

Madaafiic ay dad kabadan 10-qof ku dhaawacmeen oo maanta kadhacay magaalada Muqdisho.
Inka badan 10-qof oo rayid ayaa ku dhaawacmay madaafiic maanta ku soo dhacay qeybo kamid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho xilli aysan jirin wax dagaallo ah oo maanta Muqdisho kadhacay.
Labo madfac oo ku soo dhacay xaafadda Shanta geed ee degmada Howladaag ayaa la xasqiijiyey inay ku dhaawacmeen inka badan 6-qof halka madaafiic kale oo ku soo dhacay isla degmada Howlwadaagna ay geysteen dhaawacyo kale.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in madaafiicda ay laga soo tuuray fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyhiin magaalada Muqdisho, mana cadda sababaha ka dambeeya.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta madaafiicda ay saameyn ku yeesheen ganacsiga suuqa Bakaaraha, iyadoona ganacsatada ay walaac ka muujiyeen duqeynta aan joogsiga laheyn ee lagu hayo suuqa Bakaaraha.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa badanaa waxaa kadhaca dagaallo iyo duqeymo ay ku waxyeeloobaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool magaalada Muqdisho.
Comments (0 posted):
Post your comment