Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | Maqaal | Soo dhawayn iyo Ayi’daad ay Jaaliyadaha Galmudug ee maraykanku u direen Culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca oo Bayaan ku taageeray Madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug State Ahmed Ali Hilowle (Ahmed SHARIIF

    Soo dhawayn iyo Ayi’daad ay Jaaliyadaha Galmudug ee maraykanku u direen Culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca oo Bayaan ku taageeray Madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug State Ahmed Ali Hilowle (Ahmed SHARIIF

    Font size: Enlarge font

    Shir si heer sare ah loo agaasimay kana soo qayb galeen Culimada, Aqoonyahanka, dumarka iyo Guddoonka dhalinyarada Ahlu Sunna Waljameeca  ee Gal-Mudug Cutubka Minnesota ayaa Arbacadii oo taariikhdu ahayd August 19, 2024 ka dhacay Magaalada Minneapolis. Waxaa mudan in la soo xigto in dhallinyaro rag iyo dumarba ka koobanaa ay dadka kala hortagayeen soo dhawayn, cabitan iyo macmacaan, waxaana wax lagu farxo ah in jaaliyadaha ka yimid magaalooyinka Minnesota ay dhamaantood farxad iyo yididiilo ka muuqatay wajigooda, hadal haynta iyo Guuxa jaaliyadaha waxaa ku badnaa oo soo jiitay Bayaankii taageero ooy dhowaan hormoodkii Culimada Ahlu Sunna ku Ayi’deen Madaxweynaha sharciga ah iyo dowladiisa Mudane Ahmed Ali Hilowle (Ahmed Shariif). Runtii waxaan la hilmaami Karin Mohamed Ali Abdi oo ka mid ahaa jaaliyada beesha Sacad eeku nool Magaalada Chicago ee Gobolka Illinois oo cod dheer balse ixtiraam ku dheehnaa ka soo qayb-galayaashii ugu sheegay isagoo ka warbixinayay Bayaanka culimada ayuu sidatan u qeexay hadalkiisa " Inay 27dii Culimo ee Ahlu Sunnah ay ahaayeen dhamaantood niman culus oo wax ku ool ah oo hormood u ahaa culimada beesha waxaa daliil u ah anigoo wadankii hooyo iyo Mudugba iigu danbaysay 25 sanno ka hor markaan aqriyay magacyada culimada bayaanka ku qornaa runtii kuma jirin mid aanan si fiican magaciisa u aqoon".   


    Horaa loo yidhi " Wax la Cayr'sho Beenbaa u Orod Gaaban".  Waxaan la wada soconaa in khilaafkani maalinba heer joogay oo uu soo maray marxalado kala duwan oo badankood khatar, colaad, iyo isku dhac xanbaaarsanaa, waxayna arrintani ku tusinaysaa Miisaanka, Samirka iyo rabbi talo u dhiibashada uu muujiyay Madaxweyne Ahmed Ali Hilowle oo hadii ay madasha ka maqnaan lahayd fooda la isdari lahaa rabi'se wuxuu nagu badbaadiyay sabirka iyo taladaan u dhiibanay.

    Rabibaa na bad-baadiyay mooyee xulufada isbahaysatay waxba nooma reeban waxaana cadaatay nimankii culimada iyo aqoonyahanaka ruug cadaagaa isku sheegay oo dhinaca kale dhiilada iyo colaada ka hurinayay iskuna haleeyay xoog geed ku yaala Ceel-buur iyo geed ku yaal Guri-ceel saaran oon guntigooda ku jirin islamarkaana shacabka Sacad ka doorbiday mashruucyada iyo qandaraasyada shirkadaha shisheeye oo khayraadka badaha xaalufifa lala soo galay.

    Bil kahor Toloow sheekadu waxay joogtay oo dadka qaar laga dhaa-dhiciyay si maal iyo maskab loogu gaaro in qofkii taageera ama raaca Ahmed Ali Hilowle uu aduunkana mutaysan doono ciqaab aaqirana uu gali doono Naar, balse waxaa naga mudan mahad celin Rabigii tala fiican iyo samirka na waafajiyay iyo taageerayaashii la loodin waayay oo dhabar adeega iyo dunta fiican moojiyay. Bal tixdaan gabay ila eega: 


    Wacdaraha soomaalida ka dhacay wayraxiyo Buuqa, Waanwaanta laga jiitey iyo nabadda weydowdey, wadanaha nabarku gaaree warmaha lagu daweynaayo, waayeelka taladii arkeen waatan oranaynin, salaadda aan weesada lahayn waa wax ula jeedo?!! (Tixdaan waxaa tiriyay abwaankii M’ed Cali Kaariye).


     Waa Ilaah mahaddii waxaa fashilmay in juffo ratiga lagu kacsado, waxaa fashilmay in dadka lagu kala qaybiyo diin iyo dariiqooyin. Waxaa labada dhinacba ku jira ragii maxaakiimta taageersanaa, iyo Ehlusuna wal jamaaca, waxaa fashilmay oo dibada u soo baxday sirihii qarsoonaa, Waxaa la ogaaday Ragga Xamar iyo qurbaha looga yeeray oo tigidyada loogu gaday lacagihii laga soo aruuriyay danyarta qurabjoogta ah oo digaaga qala , waxaana dadka deegaanka loo sheegay inay u yimaadeen daminta ismariwaaga waxayna u bixiyeen gudiga xalinta khilaafaatka. Bal Toloow qof qilaafkaba ka mida qilaaf ma xalin karaa?.  Bal tixdaan Gabay ila eega:

    Inay dunidu wirin-wiir tahay oo lagu walaahoobey oo belaayo wadatoo xaqii dawga laga weecshey, oo wiishka samadaa ku xiran lagu dul weeraarshey, oo cadaaladdii waadi iyo waaqle laga tuurey, oo beentu weli sooman tahay runina waabay cad iyo anigu inaan waalanahay bal aan is weydiiyo!!. (Tixdaan waxaa tiriyay abwaankii M’ed Cali Kaariye).

    Hadaba waa ilaah mahadiis in maanta Culimadii ugu caan-sanaa Gal-mudug ay dibada u soo baxaan oo na taageeraan, kadib markay u adkaysan waayeen afar Wiil oo

    Qandaraas'lay ah magac wadaadna sheegtay inay ku owr'kacsadaan magaca Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca oo magac iyo maamuus waligood ku lahaa beesha Sacad.


    Ugu danbayn markaan falanqayn ku samaynay xaalada guud ee Galmudug waxaa Fadhigan maanta ee Jaaliyada Galmudug oo si ballaadhan ay isugu laab-xaadheen Beesha Sacad , isla markaana si aad ah uga doodeen khilaafka ragaadiyay, iyo soo dhawaynta iyo dardar galinta Bayaankii Culimada Ahlu Sunna ayaa lagu gaadhay qodobo wax ku ool ah kuna aaddan xaaladda Galmudug:

           

    1)  Anagoo tixraacayna Bayaankii ay si wada jira u soo wada saareen wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Diinta Sheikh Cali Yuusuf (sheikh cali gab) iyo Culomo awdiinka ahlu-sunna waljameeca ooy dhowaan ku iclaamiyeen kuna taageereen Madaxweynaha sharciga ah iyo dowladiisa mudane Ahmed Ali Hilowle, waxaan anaguna gacma furan ku soo dhawaynay oon si aan kala harlahayn u taageernay codsiga Wasiirka Garsoorka iyo Culimada Hormoodka u ah Ahlu Sunna Waljamaaca. Waxaan Culimada ka codsanaynaa inay dadka walaalaha ee laga dhex shiday colaada loona kala qaybshay diin iyo dariiqooyin si xukun loogu gaaro inay wacyi galiyaan uguna nasteexeeyaan Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka. Fadlan Riix Halkaan:

     27 Culimada Ahlu Sunna oo Taageertay Ahmed Shariif.doc


    2) Waa in laga tanaasulo in dano gaara lagu gaaro magaca Galmudug, waana inaysan dhicin in koox, xisbi ama jufo ay afduubato maamul iyo talo ka wada dhaxaysa ummada Gal-mudug oo dhan. Waa in la saaraa Gudi dabagal ku sameeya sababihii dhaliyay khilaafka iyo ismariwaga oo lala xisaabtamo dadkii ka danbeeyay  si hadda kadib aysan u dhicin in dad dano gaara leh ama Ururo iyo Xisbiyaal inay bur-buriyaan dantii ka wada dhaxaysay shacabka Gal-Mudug kuna kacaan Aflagaadooyin, hanjabaado iyo meel ka dhacyo aan loo meel dayin oon munaasib ahayn kana baxsan dhaqanka iyo diintaba.

    3) In la helo dad daacad u ah ahdaaftii loo dhisay Galmudug ee ahaa in dadka iyo deegaanka wax loo qabto ee aan laga hormarin dano gaara.

    4) In la xulo lana sameeyo gudi qibrad u leh sharciga iyo garsoorka oo ka kooban garyaqaano aqoon u leh dastuurka, dabadeedna loo soo bandhigo Golaha Baarlamaanka si looga doo-do loona turxaan bixiyo dabadeedna loo ansixiyo. Ma ahan sidii horay u dhacday inuu hal nin soo diyaariyo dastuur iyadoon la falanqayn lagana doodina durbaba laga dhigo sharci, dabadeedna kuwii soo diyaarsaday ay diidaan oo jabiyaan sidii haatanba dhacday. Ma la aqbali karo markii dantaydu ku jirto Dastuurka waa sax , Markii layga watana waa qalad. Waxaan filayaa kaasi waa sharciga Duurka iyo keymaha.

    5) Waxaan si aqlabiyad leh ku taageernay Bayaankii ay Culimadu ku sheegeen inay samaynayaan Dallad Culimada Ahlu Sunna waljameeca ay ku midaysanyihiin oo hoggan iyo Majrac u noqota Guud ahaan Shacabka reer Gal-mudug Gaar ahaan Dowlada sharciga ah uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Ahmed Ali Hilowle (Ahmed Shariif). Hadaan nahay Jaaliyadaha dibada ee Galmudug waxaa naga go’an inaan ka soo dhalaalno taakulaynta dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Dalladda iyo Majraca Culimada.

    6) Waxaan aad iyo aad u taageernay barnaamijka “Gurmadka Deg-Degga ee Abaaraha” iyo gudiga loo xilsaaray fulinta Gurmadka abaaraha oo Madaxweynaha Gal-Mudug Mudane Ahmed Ali Hilowle uu iclaamiyay. Waxaan aad u grab taaganahay tilaabada geesinimo eeku dayashada mudan oo uu qaaday Madaxweyne Ahmed Shariif wana arrin aan looga baran dhi’giisii ka horeeyay.

    7) Waxaan ka codsanaynaa UNKA, Ururada Samafalka iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya inay gargaar la soo gaaraan dadka tabaalaysan iyo deegaanada abaaruhu ku dhufteen iyo barakacayaasha la il’daran daryeel la’aanta oon hooy iyo cuntaba ku haysan duleedyada Degmooyinka Gal-mudug oo dhan.

    Qaban-Qaabada shirka waxaa isku soo duba riday:

    Guddonka Dhallinyarada Ahlu Sunna Waljameeca

    ee Gal-Mudug, Cutubka Minnesota.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    Dulmidiid 1 on 25 August, 2009 12:47:58
    TALO IYO DARDAARAN GALMUDUG USA


    Ragga liimo dhanaanta dhiijinaaya ee jooga USA waxaan u sheegaa xabadda ka dhacdaa Galmudug idinka iyo Carruurtiinaba kuma dhaceyso ee joojiya khilaafaadka iyo dabka aad ka dhex hureneysaan maamulka Galmudug.

    Shacabka degan uga dambeeya oo hanoqonina kuwa lagu eedo dhibki ka dhaca haddii uu nimaad jeceshihiin jiro hasugo doorashada soo socoto una Kaambeyngareeya inuu ku guuleysto ee ha'usharciyeeynina inuu yiraa Madaxweyne sharci ah ayaan ahay.
    Dulmidiid 1 on 25 August, 2009 12:47:58
    TALO IYO DARDAARAN GALMUDUG USA


    Ragga liimo dhanaanta dhiijinaaya ee jooga USA waxaan u sheegaa xabadda ka dhacdaa Galmudug idinka iyo Carruurtiinaba kuma dhaceyso ee joojiya khilaafaadka iyo dabka aad ka dhex hureneysaan maamulka Galmudug.

    Shacabka degan uga dambeeya oo hanoqonina kuwa lagu eedo dhibki ka dhaca haddii uu nimaad jeceshihiin jiro hasugo doorashada soo socoto una Kaambeyngareeya inuu ku guuleysto ee ha'usharciyeeynina inuu yiraa Madaxweyne sharci ah ayaan ahay.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com