

Mideynta Alshabaab iyo Xizbul islaam waa burburinta Alshabaab (Warbixin) Maqaal
Xiriirka ka dhaxeeya Mujaahidiinta Alshabaab iyo Xizbul islaam intaa badan waa mid wanaagsan, marka laga eego dusha sare iyo waliba qabka dagaalada aay ugu wada jiran, Balse waxa jirta inu u dhaxeeyo Labada dhinac farqi aad u weyn
Xizbul islaam waa qeyb ka mid ah, Ururkii la oran jiray Isbahaysiga Dib u Xorreynta, Sidaa hore waxa idaacada VOA uga sheegay Gen Jaamac Maxamed Qaalib, isaga oo ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea
Sidoo kale Xizbul islaam waxa ku jira dad ka soo qeyb qatay dagaaladii Sokeeye ee dalka Somaliya ka dhacay, iyo waliba ragg isbaaroyiin lahan jiray, waxana Tusaale ahan u soo qadan karna Muuse Cabdi Caraale iyo Waliba Macalin Xaashi oo hada ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xizbul islaam, Labadan Shaqsi keliya ma aha ee waxa jira Dad badan oo Ummada dambi ka galay kuwas oo Cimaamado intaa ay soo xirteen ku soo biiray Xizbul islaam Ex Isbahaysigii Asmara
Waxa kale oo jira ragga badan oo ka tirsan Hoggaanka Xizbul islaam oo dagaal aan geed logu soo gaban kula jira Alshabaab Almujaahidiin, waxana ka mid ah Cabdinaasir Seerar oo isaga Xukuumadda Eritrea lacag aad u fara badan aay ku siisay sidii uu u burburin laha Maamulka Islaamiga ah ee ka jira magaalada Kismaayo
Isaga oo weliba dhowr jeer magaalada Kismaayo ku qeybiyey waraaqo aad u tiro badan isaga oo leh waa in Alshabaab Aay wareejiyan Maamulka magaalada Kismaayo
Haddaba dagaalka hoose iyada oo u jiro ayaa hadana waxa jira damac siyaasadeed oo fog kaasi oo u qabo Sheekh Xasan daahir, isaga oo sii weyn u doonaya inu Hoggaanka Alshabaab Iyo Xizbul islaam dhamaan isagu iskula wareego, isaga oo taageero ka helaya xiita ragg ka mid ah Xarakada Alshabaab, Iyo waliba Dowlada Eritrea
Xasan Daahir ayaa isagu intaa badan ku celceliya Waa in Mujaahidinta la mideya oo aay noqdan kuwa midooba, haddaba Midowga Muxuu ula jeeda Sheekh Xasan Daahir? Ujeedada Ugu weyn ee Xasan daahir aweys waa inu noqdo Hoggaamiyaha Midowga Xizbul islaam iyo Shabaab, Sii uu u helo awood u kula gorgortamo Reer Galbeedka, taasi ayaa la dhahi kara waa mida ugu weyn ee Xasan daahir aweys doonayo
Sidoo kale Xasan Daahir Aweys ayaa taageero weyn ka heysta Xukuumadda Isais Afewerki ee Magaalada Asmara, Somalida Waxay ku Maahmahda ”Orgiga markaad Aragtid, Waxartii ayaa daba socota” Mar kasta oo u Isais Afewerki hadlo waxa daba socda hadalka Xasan daahir aweys taas oo ku muujin in Xasan Daahir Iyo Isais u ka dhaxeeyo Xiriir, Sidoo kalena waxaba lagu xanta sheekh Xasan in laga Maamulo Dhanka Asmara, Sidaa ay Rumeysan yahiin dad badan oo Somali wax garad ah
Dowlada Eritrea iyadu waxay dhankeeda in badan ku celcelisa waxan taageerna Shacabka Somaliyeed, taasi hadii aay run ka tahay Xukuumadda Isais Afewerki isagu mu ka bilaabo dalkiisa oo shacabkiisa garab siiyo, Shacabka Muslimiinta ah ee wadanka ayaa iyagu la kulma dhibaatoyiin aad u fara badan, waxana ka mid ah jirdil iyo waliba Xabsi
Waxan Tusaale u soo qadan karna gabadh Eritrean ah oo Ilmaheeda Qur’aanka ugu dhigi jirtay Gurigeeda, kadibna dowlada Eritrea ku boorisay inay ilmaheeda keento Dugsiyada Qur’aanka ee wadanka, markii arrinka aay diidana gabadhii lagu xiray xabsi iyada oo weliba sii xun loo jirdilay taasi oo muujin sidaa Eritrea aay u neceb tahay dadka Islaamka ah, oo weliba wadankaasi ka ah qeybta ugu badan dadka ku nool
Dhanka Shabaab iyagu intaa badan waxa lagu ammaana Dhanka ku Adkanta diinta iyo waliba difaaca dadka dulman ee Somalida ah, kuwas oo dhibaato weyn ku qabay maamuladii hore ee ka jiray Konfuurta Somaliya, Haddaba Xarakada Alshabaab oo kalsooni weyn ka heysata Ummada Somaliyeed, Sidoo kalena ku faanta inay tahay Adeegaha Diinta iyo Dalku ma la midoobi karta nin Saaxiib weyn la ah Xukuumad iyaduba Islaamka neceb. Ayna Xabsiyadeeda ku jiran Boqolaal dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan
Xarakada Alshabaab Almujaahidiin waxay maamusha intaa badan degaanada Konfuurta Somaliya, Halka Xizbul islaam u sii toos u Maamulo Degmada Afgooye oo kaliya, taas waxay muujin in Xizbul islaam aysan wax faraha ugu jira aysan jirin, halka shabaabkuna aay heystan dhul iyo waliba degaano Muhiim ah
Haddaba Heshiis Dhexmara iyo Midow shabaabku la midooban xizbul Islaam ayaa noqon doona mid aay sii weyn ugu burburi doonan iyagu, waxana Somalidu ku maah maahda miro gunti kugu jira kuwa geed saaran loma daadiyo
Comments (3 posted):
Sheeydaanka aad noo amaaneyso iyo Xisbiga aad noocaayneyso waa Dameer iyo labadiisa dhegood oo wax isma doorshaan.
Post your comment