Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | General | Maxweynaha Galmudug Ahmed Shariif iyo PM Omar Abdirashiid oo ku kulmay k/Gaalkacayo.(Daawo sawirada)

    Maxweynaha Galmudug Ahmed Shariif iyo PM Omar Abdirashiid oo ku kulmay k/Gaalkacayo.(Daawo sawirada)

    Font size: Enlarge font

    Raisalwasaaraha Dawladda kmg ah ee Somalaiya Cumara Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maantay soo gaaray deeganada Galmudug waxa uuna ka qaybgalay kulan aad u balaaran oo ka dhacay Hotelka Empassy ee Magaalada Gaalkacyo.
     
    Kulankaasi waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta GalmudugState oo uu horkacayay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug State Mudane Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Golihiisa Wasiiradda, iyo Golihiisa baarlamaanka, iyo Goloha Dhaqanka ee Dawladda Goboleedka Galmudug,
    sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay culumo awdiinka ahlu-sunna waljameeca, Gudiga Ganacsatada, Ururada haweenka iyo kan Sportiga iyo Dhalinyarada.

    Raisalwasaaraha waxaa la socday qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xilibaano ka tirsan Dawladda kmg ah ee Soomaaliya.

    Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynihii dhawaan ay doorteen baarlamaanka Galmudug Mudane Axmed Shariif Cali Hilowle, wuxuuna sheegay in hadii ay yihiin Maamulka Galmudug in ay la shaqayn doonaan dowladda KMG ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deegaanada Maamulka Galmudug ay ka jirto abaar baahsan islamarkaana ay dowladda KMG ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in ay gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan.

    Waxa kaloo madaxweynuhu ka hadlay in bulshada Galmudug ay doonayso wixii ay ku leeyihiin Dawladda kmg ah ee Somaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hesho jawaabaha iyo waxa ay ka codsadeen islaarkaana deegaanada Galmudug ay yihiin dhul baaxadiisu aad u weeyihiin ayna yartahay gobolada iyo degmooyinka waxay dawladda goboleedku ka codsadeen in lamagaabo gobolo iyo degmooyin cusub.

    Ugu danbeybtii waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxaana uu marka hore u mahad celiayay madaxweynaha Cusub ee Dawladda Goboleedka Galmudug Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Golihiisa Wasiiradda iyo Golihiisa baarlamaaka iyo bulshada sida niyad wanaaga ugu soo dhawayay deegaanada Galmudug,waxa uuna balanqaaday raisalwasaaruhu wax walba uu qaban karo in uu la garab taaganyahay Galmudug, mar walbana uu kormeer ku imaandoono deegaanada Galmudug si uu ula socdo horumarka Galmudug waxna uu ka qabandoono xaga caafimaadka iyo waxbarashada.

    nuuradiin cismaan maxamed(abulakram) 
    G almudug-galkacio-somalia


     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    harti on 02 September, 2009 04:36:05
    maxaad madaxweyne ku sheegaysaan ma mooryaanka meesha fadhiya een waxba garanayn

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com