Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | Maqaal | Baaq ay soo saareen Jaaliyadaha Galmudug ee Maraykqanka

    Baaq ay soo saareen Jaaliyadaha Galmudug ee Maraykqanka

    Font size: Enlarge font

    Cambaarayn ku socota ninka Xisbiga Ahlu Sunna u magacaabeen Afhayeenkooda Khaliif Shiikh Xussien oo isagoo la hadlaya Idaacada Simbanews aflagaado iyo cay u gaystay Amiirrul muumi’niinka ahna madaxweynaha dowlada qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka Mudane Shiikh Shariif Sh. Ahmed. Wuxuu ninkani ka been sheegay Maseerka Beesha Sacad isagoo qof uu matalo aysan jirin kana mid ah maamulka aan sharci ahayn loogu waqlalay Magaca “Qash’Qa-shaad ku- Qadi’mayside “.  
            

    Walaalayaal, kadib markii aan daraasad buuxda oo madax banaana ku samaynay habka loo soo xulay, dadka soo xulay iyo ugu danbayn dadka ansixiyay Baarlamaanka iyo madaxweynaha aan sharciga ahayn lana wada ogyahay inay soo xuleen burcad siyaasadeedka qurbajoogta ah , Jawaasiistii u shaqayn jirtay maamulka Puntalnd iyo wadaadada Qandaraas’layda ah oo la baxay xisbiga Ahlu Sunna oo Gacan saarkana la leh qowlaysatada qurab-joogta 3rd Group oo wata dano u gaara iyo qandaraasyo ay la soo galeen shirkado Ajaaniib ah kuna caan baxay xaalufinta khayraadka baddaha soomaaliya, 


    Kadib markaan la xirrirnay Oday Dhaqameedyadii, Aqoon yahankii, Qurbajoogtii qiimaha lahayd iyo Culimada aan ka mid ahayn kuwa qandaraaska soo qaatay waxay noo sheegeen in nimankani yihiin burcad isbahaysatay oon dan iyo heelo ka lahayn dhowrista dastuurka iyo maseerka shacabka Galmudug oo mudo saddex sanno ah la ildarnaa habacsanaan dhan walbaba leh ooy ka mid ahayd : eexo, qabyaalad, jufo-jufaysi, musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadwayne iyo horumar la’aan ku habsatay dadka iyo deegaankaba. Waxaa wali wal’wal iyo walbahaar nagu haya hadal uu noo sheegay mid ka mida Oday dhaqameedyada magaca ku leh beesha Galmudug oo noo cadeeyay in nimanka sheegtay aqoonyanka ee qurba-joogta ah oon ku aaminay maamulkeeni, sharftii iyo karaamadii beesha ay ahaayeen munaafaqiin rabi iyo rasuulba aan aqoon, bal waxay noo qabtaan iska daa’ye waa niman iyaguba u baahan in laga waardiyeeyo naftooda ay dharbaaxada ku hayaan habeen iyo maalinba,     

    Kadib Markaan ogaanay in ninka Xisbiga Ahlu Sunna u magacaabeen Afhayeenkooda Khaliif Shiikh Xussien inuu isagoo la hadlaya Idaacada Simbanews uu aflagaado iyo cay u gaystay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Ahmed. Wuxuu ninkani ka been sheegay Maseerka Beesha Sacad isagoo qof uu matalo aysan jirin kana mid ah maamul aan sharci ahayn beeshuna kala noqotay kalsoonida. Waxaa wax laga xumaado ah in nimanka ay ka mid yihiin Mohamed warsame Ali (Kiimiko), Mohamed Faarax Jimcaale iyo Muxyadiin Yusuf Barre ay caado iyo dhaqan ka dhigteen inay warbaahinta iyo webebka qaar lacago fara badan ku bixiyaan si ay u fadeexeeyaan qof walba ooy isleeyihiin wuxuu ka hor’imaanayaa qiyaanooyinkood iyo fikradahooda guracan, waxaana u danbaysay aflagaadadii 5naad ooy u geystaan Amiirrul muumi’niinka ahna madaxweynaha dowlada qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka Mudane Shiikh Shariif Sh. Ahmed. Sidii inay wakiil ka yihiin ama u naxayaan shacabka Gal-mudug ayaa waxay burcadani ku andacootay in sheikh Shariif lacago fara badan ku bixiyay siduu u kala qaybin lahaa beesha Sacad. Maalmo ka hor waxay lahaayeen Daahir Aweys ayaa lacago fara badan ku bixiyay kala qaybinta beesha Sacad anagoo ogsoon in Daahir Aweys uusan awoodin maanta lacago uu ku bixiyo rag loolan ugu jira maamulka Galmudug. War nimanyahow wax iskula hara oo xishooda islaamkana cay’da, meel ka dhaca iyo aflagaadada ka daaya. War hooy  “ Calaf aan qornayn Cayro lagu waa”. Xukun sidaan laguma raadiyo.

    Bal eega Aflagaadada uu ninkani ka sheegay warbaahinta Webka Simbanews: Dacaayad Raqiis ah.doc 


    Kadib Markaan ogaanay in Madaxweynaha aan sharciga ahayn Ahmed Mohamed Caalin, isbahaysatada dabada ka riixaysa iyo Duqii Fashilmay Mohamed Warsame Ali (Kiimiko) oo markaan matalaya Kaabo qabiil jufo ay heshiis aan sharci ahayn u saxiixeen niman ay jufo hoose isla yihiin Kiimiko  iyo Shirkado Ajaaniib ah oo ku caan baxay xaalufinta Khayraadka badda oo qaar ka mida ay hadda xaalufiyaan xeebaha Hobyo, Xarar-dheere iyo Ceel-dheeer. Bal ila eega fadeexadii shalay uu caalin saxiixay iyo salfudaydka Kiimiko waxaad ka aqrisan kartaan webka:Wadanka:

    Fadlan halkan guji DANTII Caalin laga lahaa oo dibada timid.doc 


    Ugu danbayn markaan ka baaraan dagnay oon falanqaynay cadaymihii aan uruurinay waxaan soo saarnay anagoo ah jaaliyada Galmudug ee Waqooyiga Ameerika qodobada hoos ku qoran:


    Waxaan u aragnaa in ku dhawaaqistii ay isku biirsadeen Burcada danleyda ah iyo qandaraaslayda xisbiga Ahlu sunna ay ku doorteen Baarlamaan iyo Madaxweyne aan sharciga waafaqsanay inuu ahaa tilaabooyin khatar ah ooy ku lug lahaayeen rag doonaya in la burburiyo Maamulka Galmudug iyo in laga dhex abuuro beesha walaalaha ah fitno iyo dagaal sokeeye ee lagu hoobto. Burcada isbahaysatay awood iyo sharci toona uma laha burburinta iyo colaad abuurida beesha walaalaha ah. Waxaan ku talinaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Gaalkacayo Mohamed Warsame Ali (Kiimiko) iyo Mohamed Faarax Jimcaale si looga hortago inaysan mar labaad ku guulaysan dabkii ay shideen waqtigii Salbalaar iyo Cakaaro oo kale.
     
     

    Waxaa cambaarayn iyo kalsoonidoon kala noqono naga mudan Mohamed Ahmed Caalin Madaxweynaha gacan ku rimiska ah oon sharciga lagu soo dooran iyo dowladiisa mar hore loogu waqlalay “Qash’Qashaad ku Qadi-mayside”. Waxaa fadeexo iyo fajacba nagu noqday falkii burcxadnimo iyo saxiixii aan sharciga ahayn ee shalay uu caalin u saxiixay jufada uu ka soo jeedo Kiimiko iyo mikiilayaal u badan 3rd Group uuna ogolaasho iyo sharciba u siiyay Shirkado burcad ah oo ku caanbaxay Xaalufinta iyo ku duugida haraaga sunta warshadaha reer galbeedka iyo nukilarka baddaha soomaaliya.
     

    Waxaa qaadanwaa nagu ah isagoon hal shaqsi oo dowladiisa aan sharciga ahayn magacaabin in qoorta loo galiyo dano uusan shaqo ku lahayn ooy wataan jufooyin gaara oo looga badashay in laga dhigo madaxweynaha Galmudug. Waxaa halkaan ku cad in xitaa aysan ixtiraam iyo karaamaba nimankaani u hayn shacabka Galmudug iyagoo si qayaxan ama far waa’wayn ugu qoray uguna sheegay shacabka in danta kaliya oo lo doortay lagana lahaa Caalin ay ahayd qalin ku duugida wax walboo ay dalbadaan ama soo jeediyaan wadaadada Qandaraas’layda ah iyo qow’laysatada 3rd Group. Waa rati hayin ah oo loo adeegsanayo burburinta iyo iska horkeenka dadka walaalaha ah. Waxaan wacad alle ku qaadnay anagoo ah qurbajoogta Galmudug inaanan ka harin oon geedkay galaanba uga daba galno ilaa la soo taago sharciga hortiisa shirkadaha iyo burcada hogaaminaysaba. Waxaan digiin kama danbays ah u diraynaa shirkadaha ajaaniibta ah iyo milkiilayaasha sida sharci darada ah wax ku doonaya aan si cad ugu sheegaynaa inaan loo ogolaan doonin cagaha inay soo dhigaan deegaanada Galmudug lagalana wareegi doono wixii qalab ah iyagana tilaabo sharciga waafaqsan oon naxariis lahayn laga qaadi doono.  
     

    Waxaa wax laga xumaado iyo xurmo la’aan ah Maamulka aan sharciga ku imaan ee gacan ku rimiska ah iyo qaadwalaha ay afhayeenka ka dhigteen ee layiraahdo Khaliif Shiikh Xussen inay ka waantoobaan bah dilka , aflagaadada iyo meel kadhaca ay u gaystaan mar walba Madaxweynaha sharafka leh oo ixtiraamka naga mudane Shiikh Shariif Sh. Ahmed. Mudane madaxweyne waad ogsoontahay in markii laguu Doortay Madaxweynaha doorashadii Jabuuti in magaalada aad ku dhalatay ee Jowhar aan looga cii’din sida looga cii’day magaalooyinka Gaalkacayo iyo Hobyo iyo dhamaanba deegaanada Galmudug, waxaana xaflado taas la mida ah oon kala har lahayn muujiyay dhamaan jaaliyadaha Galmudug meel kastoo ay joogaan. Waxaan marqaati u baahnayn oo beelaha kale nagu xantaan inaan nahay beesha kaliya oon lahayn mucaarad dowlada Shiikh Shariif , kuna midaysan garabsiinta dowlada qaadatay shareecada islaamka. 
     
    Hadaba mudane Madaxweyne waxaan aad iyo aad uga xunahay raali galina ka bixinaynaa aflagaadada ay ku hadleen xulufada isbiirsatay iyo maamulka aan sharciga ahayn oon haysan kalsoonida shacabka ku taageersan. Nimankani waa ducufo aan xishoon, waa ragii iska horkeenay Beesha Sacad sabana u ahaa xagal daacinta iyo jilaafaynta geedi socodka nabada ee beeshu hormoodka ka ahayd. Waa tabtii horay loo yidhi “Neef gowracani geedo kama waabto” - Markii ay lumiyeen kalsoonidii beesha , markii beeshu fahamtay qiyaanadoodii qarsoonayd, markii ay meel mari wasay jufo jufadii ratiga lagu kacsanayay, markii ay fashilantay in beesha loo kala qaybiyo diin iyo dariiqooyin, Markii labada dhinacba laga helay ragii maxaakiimta taageersanaa iyo Ahlu Sunna wal jamaaca oo diintii lagu ganbanayay oo beenta ahayd ay shicbiga ka gadmi waysay, Markii xitaa madaxweynihii dowlada dhexe Shiikh Shariif iyo shacabka Galmudug  ay isku diri waayeen, iyo markii ay ku soo saaqi’deen inay wax ka noqdaan dowladii dhexe waxaa lagama maarmaan noqotay oo danntu ku kaliftay markay karuurka geela ka dhargaan inay qof walba u gafaan magacyo baas iyo been la dhoo-dhoobayna ku shaabadeeyaan. Waan ogsoonahay ujeedada ay leeyihiin inay tahay sidii caadadoodu ahaan jirtay waligeed inay si fool xun wax ku raadiyaan, balse waxaan rajeynaynaa in dowlada dhexe iyo madaxweynuhuba ka dharagsan yihiin in nimankani yihiin bilaash xay-tayaal burcad ah oon istaahilin xitaa in loo jawaabo. Waxaan filaynaa tani inay tyahay Qar’iska tuurkii ugu danbeeyay naftuna waxay uga hartay oo kaliya afka iyo rubada mana loo naxayo inta sakaraatul moowdku hayo.  
     

    Waxaan dowlada dhexe iyo Maxweynahaba u sheegaynaa in beesha Galmudug ay ku midaysantahay dal iyo dibadba Baarlamaanka sharciga ah iyo Madaxweynaha sida sharciga waafaqsan lagu soo doortay mudane Ahmed Ali Hilowle (Ahmed Shariif). Waxaan Dowlada Dhexe ogaysiinaynaa kana codsanaynaa inay ka digtoo’naadaan burcada aan beesha matalin oo sheeganaya magaca iyo maamulka Galmudug waana maamul sharci darro ah oon haysan kalsoonida shacabka Galmudug. Waa in dowlada dhexe ee soomaaliya dabagal ku samaysaa qandaraasyada nimankan burcada ahi la galayaan shirkado maafiyo ah oo raba inay xaalufiyaan khayraadka badaha soomaaliya. Waxaanu haynaa cadaymo fara badan inay nimankaani waqtigaan la joogo lacago sharci daro ah ka qaataan shirkado xaalufiya malaa’yga xeebaha Hobyo, Xarar-dheere iyo Ceel-dheer.     

    Abdi Hussien Ali
    Suldan Abdikarin Mohamed Mohamud Dagal
    Mohamud Duale Kaahiye
    C/casiis Sh, Max'ed Geedi Jiicle
    C/risaaq  Sh, Ahmed Xasan Yare
    Ahmed  Cabdi Shiil Ducaale
    C/nuur C/qaadir Sahal
    Ahmed  Geedi  Kahiye
    Sh.  Nuune  Qaassim
    Cabdisalaan Kaytoon 
    Cumar  Nuur  Carab
    Abdulqadir Hussien Ducaale
    Max'ed  Osman  Cali
    Qandac Axmed Kadiye
    C/laahi  Farax  Warsame (Galbayte)
    Abdulqadir Abshir Warsame (Galbayte)
    Xasan Farax  Warsame (Galbayte)
    Maxamed Axmed Gare
    C/rahman  Xuseen  Adan
    Maxamuud  C/lahi  Soofe
    Mahad  Ahmed  Urur
    C/kariin Xasan  Dhoore
    Khaliif  Nuur  Cali
    Cabdalle  Max'ed  (iidle)
    Cali  Food  Bootaan Xassan
    Maxamed  Subeer 
    Mahad Nuur  Diriqsay
    Cabdul  Jaamac  Geelle
    Cali Bashi  Cabdi  Madoobe
    Cumar Guuleed  Cali  Bare
    Warsame Adan  Cadbulle
    Cali  Xasan  Weheliye  
    Najiib Cali  Jaamac  Ciyaar
    Bashiir Macalin  Faarah  Cumar
    C/rahman  Siciid  Daleel
    C/qaadir  Ahmed  Baraawe
    C/laahi  Cilmi  Diirshe
    Diraac Xasan  Farah  Bare
    C/risaaq C/lahi  Ganey 
    Cabdi Axmed Kadiye (Geesood) 
    Max'ed Canood Guuleed
    Fi'aat Guray  Salaad (KhayreGacaneey)
    Libaan  Ahmed  Cisman
    Oktobar Ahmed  Cawale
    Max'ed  Warsame  Sahal      
    Mahad  Mire  Adan
    C/laahi  Xasan  Guure  (indha wayne)
    Khaliif  Ahmed  Cali
    Max'ed Xasan Yare Cilmicalas
    Xade C/Salaan SH. Mohamed 
    C/rahman Macalin Xaashi Sh-doon
    Xuseen Sh. Nuur Samatar
    Yaasiin Cilmi Diirshe
    Cabdi Xirsi Geele Cawaale
    Cali  Xassan  Sahal
    Abshir  Foodxuux  Cilmi
    C/laahi Max’ed Yuusuf  Kulmiye
    Xassan Sh.  Max’ed  Geedi Jiicle
    Calas C/laahi Cilmi
    Cali Cabdule Gabayre (Jafe)
    Mohamed  Yuusuf  Kulmiye
    Ayaan Hussien Ducaale
    Cawil  Cali  Kaarshe
    Cali-yare  Ow-Sahal  Mohamed
    C/rahman  Xuseen  Kadiye
    Daahir Warsame Faarax
    Daahir Maxamed Soofe
    Cumar Maxamud Maxamed
    Cumar Yuusuf Maxamuud
    Cali Cismaan Cilmi
    Cali Kulmiye Warsame
    Sh. C/qaadir Cali Kulmiye
    C/laahi Cismaan Maxamed Fuje
    Siciid Max’ed Cilmi
    Xaawo Ow-Sahal Max’ud
    Faadumo Ahmed osoble    
    Yassin Abdi X. Kaahiye
    Liibaan Cali Cigaal
    C/qaadir Cismaan Cilmi (buube)
    C/laahi Xassan Kabalabi
    C/rahmaan Qoslaaye Yuusuf
    Deeqo Sheekh Max’ed Geedi
    Muxubo Warsame Faarax
    Maxamed Maxamud Cilmi
    Maxamed Cabdi Fandhe
    Cali Maxamed Xirsi
    Salax yuusuf Xaji
    C/qadir Cilmi Jamac
    Daahir Cabdi Faandhe
    Baash Indhageele
    Dahir Xasan Shire
    Fartun Abdulle maxumud yare        
    Fadumo Hersi Qoorare
    Asho Haji Mohamud Gedi
    Mahad Salaad Siyaad
    Bashiir Warsme Sahal
    Siciid Xirsi Geesaweyne
    97.Korneyl Shirwac

    98.DR.Abdirashid Abdullahi Foomka

    99.Libaan Abdullahi Foomka

    100 Abdirahman Haji

    101 Sureer Farah Muse

    102 Sahro Salaad Ducaale

    103 Fowsiyo Ali Xade

    104 Mohamed Xaashi Dini

    105 Yurub Ahmed Xaashi Dini

    106 Abdixakiim Mohamed Ducaale

    107.Waayeel Diini

    108 .Ali Mire HooL

    109 .Abdi Hersi Bare

    110 .Abdulahi Musse

    111 Layla Abdi X. Kaahiye

    112 Shamso Abdi X. Kaahiye

    113 Mohamud Ahmed g. Kaahiye

    114 Mohamed Abdi X. Kaahiye

    115.Abdirizaq Salad Yare

    116.Isse Ali Farah (Isse Wajeer)

    117.Abdullahi Osman Guure

    118.Hassan Osman Guure

    119.Shiino Duurow

    120.Sharmake Abshir Egal

    121.Mursal Faarah Jiirow

    122.Abdiwali Abshir  Egal

    123.Ibado Hussein Hayle

    124.Abdinasir xirsi Kaarshe

    125.Harbi Mohamed Jamac  harbi

    126.Shiino Mohamed Jamac harbi

    127.Sicid Abdulqadir Shiiq Hussein canoboro

    128.Burhaan Shiikh Nuur

    129.Dahir Hassan Mohamed  (Dahir Xanaano)

    130.Abdullahi Hassan Mohamed Qayre

    131. Sicid Mohamed Siyad (Sicid Jookar)

    132.Mohamed Geelqaad

    133.Caadil Ali Ahmed Ciise

    134.Waayeel Mohamed Elmi Bulaale

    135.Abdulqadir  Korweyne

    136.Abdiasiis Salad Urur

    137.Bashiir Gargareeto

    138.Alidhoof Gargareeto

    139.Raage Gargareeto

    140. Abdullahi Mahamed Farah Geedi (Tuulax)

    141. Amina Shiiq Elmi Barqadle

    142. Jawahir Shiiq Elmi Barqadle

    143.Fadumo Koor

    144.Shamsa Cadhood

    145.Ismahan Hassan Beef

    146.Keyf Abdullahi Xirsi Malin

    147.Abshiro Ali Qawad

    148. Foos Abdullahi Hassan Geedi

    149. Qaali Ahmed Kadiye

    150.Ismail Hassan Hashi Xoor

    151. Deeg Mohamuud Abdi

    152.Ibado Ali Siyad

    153.Cibado Ali Xoogsey

    154.Fartun Codweyn

    155.Fahmo Xassan Barkhadle

    156.Naciimo Salad Yare

    157.Abshiro  Dayahleef

    158.Sahro Yusuf Hassan Fanah

    159. Fadumo Dalmar

    160.Ismail Mohamed Abdulle Cuure

    161.Mahad Yusuf Hassan Fanah

    162.Asad Bardacad

    163.Habiibo Muhumudyare

    164.Saynab Gurey Salad

    165.Maryan Warsame Xirsi

    166.Saciid Mohamed Abdulle Cuure

    167.Maryan Tahliil Warsame

    168.Suways Khalif

    169.Nasro Ahmed Samatar

    170.Abdulqadir Cali Hashash (Qariidi)

    171.Abdiazis Shiiq Ali Qabowe (Galmudug)

    172.Shiino  Hassan Ereg

    173.Lixle Mohamed Ahmed

    174.Abshir Hersi (Ulsite)

    175.Adan Ahmed Farah

    176.Muqtar Ahmed Farah

    177.Aways  Ahmed Qawane

    178.Abdulqadir Ali  Kadiye

    179.Mohamed Hashi Galti

    180.Abdinasir Hashi Galti

    181.Abdiwali  Hashi Galti

    182. Abdiwali Mohamed Ahmed

    183. Soobe Abdi Hassan

    184 .Ciro Abdullahi Hashi

    185. Hassan Faarah (Hassan Suluh)

    186. Ahmed Warsame Sahal

    187. Abdullahi Hassan dhiif

    188. Abdulqadir Abshir Warsame Galbayte

    189. Haruun Shire Warsame Galbayte

    190. John Shire Warsame Galbayte

    191. Jees Ali Farah

    192. Adulqadir Nur Xaryan(Feyte)

    193. Abdulqadir Hashi Dhoore

    194. Abdullahi Farah Warsame Galbayte

    195. Hassan Farah Warsame Galbayte

    196. Abdullahi Shire Warsame Galbayte

    197. Moolas Ali xirsi

    198. Daahir warsame yare

    199. Fanaan Cisman Gargaar

    200. Abdullahi Abdulle Shiiqow

    201. Abdullahi Hersi Olow

    202. Abdi Hersi Geedi

    203. Mohamed Nuur Diin

    204. Siciido Abdi Qaraare

    205. Ahmed Malin Doole

    206. Hersi Cagwayn

    207. Ali Hashi Diirshe Kaahiye

    208. Abdullahi Elmi Dirshe( Alimow)

    209. Jibril Diriye  mahamed Moolas

    210. Carays Hassan Abtidoon

    Abdulqadir Shire Wheliye
    212. Khalif Diriye

    213. Salah Muse Warsame Galbayte

    214. Abshir Abdulle Kahiye

    Nasir Muse Warsame Galbayte
    216. Xawo Duale Kahiye

    217. Nuur Kabreeto

    218. Ali Egal Dirhse Kahiye

    219. Siyad Khalif Dhooley

    220. Geele Hashi Xoor

    221. Warsame Adan Hubane(Ganagane)

    222. Omar Guled Ali

    223. Shiiq Abdulqadir Hassan Kulmiye

    224. Hashi Dahir Kulane

    225. Eidle Mohamed Geedi

    226. Yasin Elmi Dirshe

    227. Ayanle Ahmed Dheere

    228. Zamzam Farah Muse

    229. Bashiir Warsme Sahal

    230. Maxamed Abshir Caalin

    231. Maxamed Faarax Layloon

    232. Siciid Maxamed Siyaad

    233. Awil Abdullahi Hersi Malin

    234. Mumin Ali Hilowle

    235. Abdiazis Ali Shiiq

    236. Abdihakin Mohamed Kolowo

    237. Hussein Abdullahi Tahlil

    238. Bashir Mohamud Indhagaduud

    239. Mohamed Ali Shiiq

    240. Mahad Salaad Siyaad

    250. Abdulqadir Mohamud Dirshe

    251. Mowliid Gargareeto

    252. Muuse Dhuujaa

    253 Abdullahi Warsame Awale(Coomaar)

    254. Liiban Ali Ahmed Ciise

    255. Abdifatah Yusuf Hassan Fanah

    256. Khalif Farey Ali (Khalif Qaydaro)

    257 Xassan Faarax Warsame.Galbayte


    Gudiga qabanqaabada ee beesha Sacad

    Minneapolis, MN 55407

    Waabilaahi Tawfiiq

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com