Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | General | Furaha khilaafka Galmudug: ma qabiil Qayaxanbaa, ma qorshe qarsoon oon beeshaba qusaynbaa mise waa qaab diineed ?.

    Furaha khilaafka Galmudug: ma qabiil Qayaxanbaa, ma qorshe qarsoon oon beeshaba qusaynbaa mise waa qaab diineed ?.

    Font size: Enlarge font

    Waa ilaah mahadiis in xaqu feeraha ka dilaaco runtuna dibada u soo baxdo oo shacabka Galmudug ay ogaadaan in Xisbiga Ahlu Sunnah iyo maamulkii fashilmay ee qurbajoogta oo si wada jira u afduubtay Maamulkii ay dhisteen beesha Galmudug iyagoo shacabka u sheegeen inay dii'danyihiin Ahmed Shariif khilaafkooduna ku salaysan yahay hab diineed , balse waxaa taas beeniyay Sh. Daahir Jaamac Mataan oo dhowaan shir jra'id ku qabtay hoygiisa magaalada Gaalkacayo, ayaa iscasilaadiisa ku macneeyay in uu jiro khilaaf beeleed oo haatan ka dhex taagan maamulka Galmudug balse uusan ahayn mid ku salaysan dhanka diinta sida ay buun-buuniyeen nimanka horbooda xisbiga Ahlu Sunnah iyo maamulkii qurabajoogta oo fashilmay. Shiikh Daahir Jaamac Mataan oo ka mid raga ugu fir-fircoon Culimada Ahlu sunnah oo ah wadaad aad iyo aad looga yaqaan ixtriraamna ku leh Magaalada Gaalkacayo ayaa warsaxaafadeedka uu siidaayay ay dhabar-jab wayn ku noqonaysaa Culimada ka been sheegay qaabka khilaafka iyo ismariwaaga hareereeyay Galmudug ku salaysanyahay. Waxaa kaloo jira qorshe qarsoon ooy ku bahoobeen rag kamida Ahlu Sunnaha Gaalkacayo,  Maamulkii Qurbajoogta, Ahlu Sunnaha Gobolada dhexe iyo dowlada Itoobiya qorshahaas oo uu hormood u yahay ninka la yiraahdo Ahmed Abdisalaan oo ka soo jeeda gobolada Gal-gaduud.

    Ugu horayn waxaan aad iyo aad uga xunahay waxyaabihii bani’aadnimada ka baxsanaa ee lagula kacay Shiikhii dhowaan loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta Sh. Daahir Jaamac Mataan muddo yar kabacdina lagu qasbay isagoo naftiisa badbaadinaya inuu isku iscasilo mudo 24 saac gudahooda. RIIX  Wasiirkii Iscasilay.doc

    Waxaa fajac iyo qaadanwaa nagu ah in loogu hanjabay shiikha ha’duusan ka harin cadowga uu taageerayo inuu mutaysan doono dil iyo foolxumo aan abid ka harin. Raga Hanjabaadaha iyo dilka ku goodiyay waxaa hormood u ah rag reer Gaalkacayo u haystaan niman culimo ah iyo qaar kamida jufada uu ka soo jeedo wadaadku.

    Anagoo ah Gudoonka Dhallinyarada Galmudug waxaan shiikha sharafka leh oo run sheega ah aanu u sheegaynaa inaan ka xunahay dhibka soo gaaray iyo handadaada foosha xun ee lagula kacay waxaana u rajaynaynaa Shiikha inuu ilaah ugu badalo dhibka soo gaaray khayr una samro wajiga ilaahay. Waxaad moodaa in wadaadku asiibay sartu halkay ka quruntay islamarkaana uu si dadban shacabka Galmudug ugu sheegay inaan lagu jaha wareerin cabsi diineed si loogu gaaro maskab iyo maal.

    Waxaa nasiib daro iyo naxdinba leh Ficilada gardarada ah iyo dilalka qorshaysan ee la doonayo in lagu cabsi galiyo shacabka lana abuuro marmarsiyo lagu burburiyo lagulana wareego maamulka Galmudug sida toogashadii bishan August 2deedii ka dhacay bartamaha Magaalada Gaalkacayo ee lagu toogtay labada wiil ee midkood ahaa mua’dinka masaajid uu Ahmed Ali Hilowle tafsiir ka aqrin jiray. RIIX Mu’adin latoogtay.doc

    Hadaba waxaan ka digaynaa ficilada khatarta leh , kala fogaynta, hanjabaadaha joogtada ah  iyo colaad hurinta ka imaanaysa marwalbaba dhinaca Gaashaan-buurta isbahaysatay eekala ah kuwa riwaayad horay loo soo galay maanta raba inay jilaan oo sidii wadaad xumihii ka horeeyay doonaya inay ku gambadaan Kitaab ilaahay iyagoo xukun doon ah iyo danlayda damiirka aan lahayn oo ka soo dalxiis tagay qurbaha.

    Waxay ila tahay inaan isla garanay duruufahaan kor ku soo sheegnay owgiis in Khilaafka Galmudug uusan lahayn saamayn dhinaca diinta ah balse uu ku salaysanyahay Khilaaf Beeleed iyo qorshe qarsoon oo ka soo askumay rag siyaasiyiin ah lagana gaday Culimada horbooda Ahlu sunnaha Gaalkacayo. Anakoo awalba ogayn in khilaafku ku salaysanyahay labadaas ciladood oon kor ku soo sheegnay oo isbiirsaday, ayaa hadana waxaa fashilay Dagaalkii usbuucaan ka qarxay Magaalda Xarar-dheere RIIX hALKAAN.doc

    Qorshahaan oo lagu doonayay in lagu aas’aaso dowlad goboleed Blaaran ee laga yagleelo dhamaan gobolada ay degaan beelaha Habar-gidir iyo Murusade ee awal horay loo oran jiray Mudug iyo Gal-gaduud. Qorshahan bilowgiisii waxaa isku soo duba riday nika La yiraahdo Ahmed Abdisalaan iyo Dowlada itoobiya dabadeedna wuxuu Ahmed Abdisalaan la kaashaday rag uu qorsheeynayay in damacu kala waynyahay danta guud ragaas ooy u badan yihiin Siyaasiyiintii kal hore Jabuuti ku soo doortay Abdiqaasim Salaad noona keenay laba kursi iyo 4.5, nimankaas oo la yirahdo 3rd Group ayaa qandaraaskan loo soo dhiibay kana gaday Culimadii Gaalkacayo oon abidba arag maamul iyo hab dowladeed toona, waxayna u jeexeen qariidada ugu sahlan ee lagula wareegi karo laguna burburin karo maamulka Galmudug. Shuruudaha lagu soo xiray ayna aqbaleen 3rd  Group lagana gaday Wadaadada aan qibrada lahayn waxaa ka mid :

    IN xukunka Galmudug laga dhowro Rag aan laga gadi Karin qorshaha ay wadato dowlada Itoobiya eek u salaysan in Magaalada Hobyo lagu shaabadeeyo Magaalo la isku haysto si looga doorbido magaalada Xarar-dheere.
    IN Magaalada Qadiimiga ah ee Hobyo laga taqaluso lana maal-galiyo Magaalada Xarar-dheere si looga dhiso Deked Caalami ah iyo Jid laami ah oo isku xira Xarar-dheere iyo Itoobiya. In loo balan qaaday haduu qorshahani fulo in maamulka la dhisi doono lagu dari doono rag u badan isbahaysatada 3rd Group iyo Culimada Ahlu Sunna. Ilaa iyo hadda waxaa ka biyo diiday qorshahan guracan SH. Ahmed SH. Yusuf (Ilka-Ddahab) iyo Cumar Salaad Cilmi inkastoo SH. Muxyadiin Yusuf Barre uu wali leeyahay aniga igu haleeya inaan soo jiido SH. Ilka-Dahab. Kadib Markay dad badani ka biyo diideen inay buuxiyaan booskii uu  diiday Cumar Salaad ayaa Danjire Kiimiko ku buuxiyay booska wiilkii uu adeerka u ahaa oo boorsada u sidi jiray Ahmed Abdikariim Nuur.
     

    IN la abuuro Jawi ismariwaa ah iyo isjiid-jiid aan dhamaan, si loo abuuro gacan ka hadal sababi kara marmarsiyo ay Ahlu Sunnah kula wareegi karaan dhamaan maamulka Galmudug iyagoo shacabka u sheegaya in beeshu ka codsatay bad-baadada dadka iyo dalka.
     

    Waad la socotaan in laga been sheegay dagaalka Xarar-dheere ee la yidhi wuxuu u dhaxeeyaa beelaha Saleebaan iyo Cayr , balse runtu ay tahay laba ciidan oo mid ka soo qaatay qandaraas jid lagu falayo kooxda Ahlu Sunnaha beesha Guri-ceel iyo ciidan beeralay ah ee kasoo jeeda isla beesha Guri-ceel . Ciidanka Qandaraaska ka soo Qaatay Guri-ceel waxaa Hogaaminayay sargaal lagu sheegay Daahir Carabay. Hadaba si aan loo fahmin xukun boobka iyo isbalaarinta qorshaysan waxay iska soo hormariyeen inman burcad ah oo dadka deegaanka laa’ya dabadeedna ay yiraahdaan sida haatan dhacday shacabka ayaan kala bad-baadinaynay. Waxaa xalay soo galay magaalada Xarar-dheere ciidan ka yimid magaalada Guri-ceel oo qabsaday dhamaan Magaalada iyagoo sheegtay inay yihiin Ciidanka Ahlu Sunnaha Guri-ceel, balse qorshuhu wuxuu yahay fulinta maseerka dowlada Itoobiya ay ku doonayso inay ku xalaashato dekedaha soomaaliya. Qorsha kan ku xiga wuxuu yahay marka Ahmed Ali Hilowle iyo taageerayaashiisa Galmudug ay tagaan Magaalada Hobyo si ay uga hirgaliyaan abuuris ilo dhaqaale (sida Dhismaha Airapoorka iyo Dekeda) ,dabadeedna laga soo daba diro Ciidan lagu sheegay AHLU Sunna oo looogu tala galay inay gacan ku dhigaan dhamaan Magaaloyinka hoose yimaada Gobolka Hobyo si looga hortago iska cabin ka timaada deegaanka.    
     Ugu danbayn anagoo ah dhalinyarada beesha Galmudug waxaan u diraynaa digniin kama danbays ah Maamulka aan xalaasha ahayn ee Puntaland iyo burcad badeedka hogaamiya ee Faroole inay ka waantoobaan fara galinta ay ku hayaan khilaafka ka aloosan Koonfurta Gaalkacayo markay marqaatiyeen in shacabka Galmudug ay doorteen wiilaal dhalinyaro ah iyo Madax aan madiidinimo doonayn oon mushaar waligood ka qaadan puntland. Hadaba iyagoo ka dabaaqtamaya arintan waxay muruq iyo maalba la garab taaganyihiin qurbajoogtii qayilaadu u darnayd iyo wadaad xumihii khidmada la siin jiray.

    Guddonka qabanqaabada ee beesha Sacad

    Abdi Hussien   Minneapolis USA.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    dhamiye on 10 August, 2009 06:33:20
    shaqo wanaagsan walaal abdi aad ayaan ugu diirsaday akhbaartaada, daareenkaada wanaagsan, hana ka daalin in aad runta iftiimiso insha'allah xaalku waa is badeli doonaa daalimiintana waxba uma hagaagi doonaan sidii alle inoo ballan qaaday runtiina SOOMAALI gebi ahaan, SACAD khaas ahaan wuxuu u baahan yahay rag dareenkaada oo kale leh waxaana kaa codsanayaa shaqsiyan in aad hammigaada siyaasadeed fogayso.
    caraaye on 15 August, 2009 09:06:20
    horta nin itoobiyaan dabada ku wata oo hubka iyo saanada ka hela ma noqon karaa ehlu-sunna. ilaahay ka baqa oo magaca ha ugafina waa tuugo mooryaan ah oo itoobiyaan u shaqeeya, sunnana xaba kama oga dalaaliinta.
    Nasrallah on 17 August, 2009 01:14:06
    As/c salaan akdib waa mahadsanyahay walaalkeen maqaalka soo qoray waana la soconaa howsha meesha ka socoto hadii alle idmo barnaamijyo ayaa socdo oo ay wadaan dhalinyarada iyo ardeyda kacaan radey akaa mardhow dhacayo Galmudug ilaa somalia inteda kale insh allah.
    indhayare on 19 August, 2009 05:20:28
    asc salaan kadib walaal runtii waxaa ayaan dara ah in aad is tirto indhaha xaqana ka iilato adigoo og waliba taageersan nin calooshiis u shaqeysta ah oo dowladda shariif soo dirsatay si uu u kala dhantaalo wax qabadka dadka ree galmudug. sida aad la socoto dadaalka culimada ahlusunna waa mid bulshada ree galmudug ku diirsadeen. waliba la oran karo waxay maanta ka sareysaaa xagga amniga somaliland iyo puntland xaqiiqatan, waxaana rajeynaya in ilaah xaqqa ku dareensiiyo qorshaha fog ee khawarijtana aad ka damqato kana fogaato,waayo waxa walaalaheen ama dariskeena mar walba nagu diri jiray ama siyaasadeena cuuryaamiyay waa khawaarijta maantana waa ayaan daro in aad garabsiiso hadii aad ku socotana maalin maalmaha ka mida ayaad ka shaleyeysaa taageerada aad siisay waayo ragbaa hortaa saas ku dhacday waliba shakhsiyaad iyo qabiilo maantana adey seefta dadban ee khawaarijta ku hoos taalaa, ahlusuna maaha qabiil, ahlusunna maaha urur, ahlusunna maaha shisheeye, ahlusunna maaha shakhsi, ahlusuna waa culimada caalamka, ahlusunna waa bulshada islmaka, ahlusunna waa galmudug ,ahlusuna waa culimadeena lagu raqsay ahlusunna waxay ledahay carab & cajabba, manka ku hay
    allaah yahdiik akhii

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com