

Kulankii Kenya ee m/weyne Shariif iyo Hillary Clinton iyo waliba goaanadii ka soo baxay (Dhageeyso) Daawo
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa maanta Kullan ku yeeshay Magaaladda Nairobi, labadan Mas’uul ayaa ka wada hadalay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Shariif u gudbiyay warbixin ku saabsan Xaalada dalka iyo baahida ay Dowladda u qabto sidii ay taageero ballaaran u heli laheyd.
Shir Jaraa'id oo ay si wada jir u qabteen Kulanka kadib ayaa waxaa ku horeysay Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka, waxaana ay cadeysay inay taageerayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Hillary Clinton ayaa cadeeysay in Maamulka cusub ee dalka Mareekanka ee uu Hogaamiyo madaxwayne Barack Obama ay taageero hiil iyo hool ah la garab taagantahay dowladda Somalia.
“Aniga iyo Madaxwayne Obama waan sii balaarin doonaa taageerida Dowladda Somalia”. Ayay tiri Hillary Clinton iyadoo intaasi ku dartay “Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal ee ugubka ah, ujeedadeena waxay tahay inaan gacan ka geysano duruufo keena xasilooni, dalala deriska ay joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya".
Hillary Clinton ayaa inta badan hadalkeeda u badisay in ay kaga hadasho ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay Somalia ay noqoto meel ay gabaad ka dhigtaan waxa ay ku tilmaamtay Argagixisada Caalamiga ah. Clinton ayaa Al-shabaab ku tilmaamtay in ay yihiin koox Argagixiso oo Firkado shisheeye fulinaya.
Faragalin aan la akh bali Karin*
Hillary Clinton ayaa dalka Eritrea ku eedeeysay in ay faragalin aan loo dulqaadin Karin ku heeysa dalka Somalia. Cilinton ayaa dowladda Eritrea ku tilmaamtay in ay hubeeynayso Kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia iyadoo ugu hanjabtay Eritrea haddii aysan joojin Faragalinta ay ku heyso Somalia in talaabo cad laga qaadi doono.
Intaasi kadib Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso dhibaateynta ay ku heyso Soomaaliya hadii ay wax qabtana ay miiska hadalka timaado.
“Dowladda Eritrea wali waxay heesataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay isaga sixi karto”, ayuu yiri Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed.
Kulanka labada dhinac oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay Soomaaliya iyo sidii dowladda Somalia ay dalka oga xoreen laheed kooxaha lagu tilmaamay in ay yihiin Islaam diidnaka.
Hillary Clinton ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyadoona cadeysay in 150-milyan oo doolar ay ku bixiyaan AMISOM sidii ay u caawimi lahaayeen Dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa Madaxweyne Soomaaliyed uu la qaato Mas'uul sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka tan iyo markii ay dhacday Dowladdii hore.
Anigoo ka mid ahaa wariyaashii Kullanka lagu casumay ayaan Madaxwayne Shariif oo markii uu Shirka Jaraa’id Dhamaaday gacan qaaday Hillary Clinton aan wax ka waydiiyay sida dadka Somaliyeed ay u arki garaan in uu gacan qaado Haweeney aan Islaam aheyn isagoo Madaxwayne Shariif iigu jawaab “Ibraahim Su’aashaadu waa raqiis”, iyadoo wax hadal ah uusan intaas ku darin.
Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin kale.
Comments (4 posted):
anigana waxaan kuugu dari lahaa waxay soomaali kuu dirsan faraha ha lagalin?
munaafiqnimo waxaa noogu filn qawaarji iyo takfiir.
Hadda waa kala yaac iyo Dhebedeey Geed gal oo maantaba aagag ayeey isaga soo bexeen Hoobiyayaalna waa isku tuurtuureen Alsheeydaan iyo Xisbiga horta qabo Xasanoow bal qofkale ku soo dara.
Illaaheey ha cadaabo Al-Sheeydhaan oo uu hogaamiyo ninkaani nooga yimid Soomaaliland Godane iyo Xisbulxasuuq Xasaneey dhaahiro Aweeyseey. Meeshii eey geli lahaayeen ayaa la rabaa cajiiiiiib
Post your comment