

Howlo Dayactir ah oo maanta Ururka Al-shabaab ka sameeyey Waddooyin katirsan magaalada Muqdisho.
Ururka hubaysan ee Al-shabaab kana mid ah xoogagga kahorjeeda dowladda KMG ah ayaa manta howlo dayactir ah ka bilaabay waddooyin ku yaala xaafado katirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.
Wado u dhexeysa isgoyska Ifka Xalane illaa xaafadda Ciise Cabdi ayuu manta ururka Al-shabaab ka bilaabay dayactir xooggan,iyadoona halkaas lagu arkayey xoogag taabacsan Al-shabaab oo ka qeyb qaadanaya howsha dayactirka ah.
Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay goobta ay ka bilaabeen dayactirka ayaa sheegay in kaliya aysan doonayn inay dadka xukumaan balse ay ka go'an tahay inay wax qabad la yimaadaan.
Wuxuu sheegay in howsha dayactirka ah ay iska kaashanayaan iyaga iyo ganacsatada qaar, isagoona sheegay inay sii wadayaan illa ay hagaajiyaan waddooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ururka Al-shabaab uu dayactir ka sameeyo qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho oo burbur xooggan la kulmay wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka Somalia.
Comments (4 posted):
Ee taloo hadaad rabtiid walaaltiniimo oo somalinimo dhaab aah kuu dhehaan tahaay, iskaa haadh kuwaan jaahilnimoo ayaa haalkaa dhiigtee oo naftaa cilmii uu baaro intaad taxmiid iyo waax kaa dheer qolaadaan kiitaab yaartaa ee umaadi Somaliyeed oo dhaan gaaloo kuu xukmiyeey , naclaad iyo duuf allee koor koogaa haa kuu baaxdoo Shayaadiintaa.
Guul Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shicibkiisa Soomaaliyeed oo isku duuban.
Post your comment