

C/Waaxid Tahliil Xaaji Axmed " Mid kamid ah dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ayaa Bililiqaystay Gurigeena"
Magacayga waxaa layiraahdaa C/waaxid Tahliil Xaaji Axmad deganna Wadanka Sweden gaar aahaan magaalada Sheleftiyo (skellefteƄ) ee waqooyiga Dalka Dweden waxaan kasoo jeedaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis xaafada Bilaajo Carab.
Waxaa igu kalifay inaan idin la soo xiriiro waxa ay tahay, taariikhda markii ay ahayd 09/aug/04 xili habeen ah waxaa loo geystay guri aan ku lahayn degaankaas Bililiqo aan caadi ahayn kuwaasi oo ay ku keceen xoogaga ku dagalamaaya mid kamid ah, oo runtii gurigana la bur buriyay lana qaatay dhamaan wixii agab ahaa ee yaalay guriga.
Xilliga la boobayay guriga cidina kuma sug neyn oo meesha waa meel hoy u noqotay dagaalo aan laga aqoon deegaankeena, guriga laboobay waxaa lahaa Avv. Tahliil Xaaji Axmad oo ah aniga aabahay kumana siyaasadaha is diidan bal aabahay wuxuu kamid ahaa odayaasha xaafad sida badana kumaba sugna magaalada Muqdisho waa nin latacaala arimaha qoyskiisa, marki laysku soo duubo waxasoo dhan magaran karno sababta kaliftay inla boobo hantideena maadaama xilligaan aanay wax xabad ah ka socon degmada shibis.
Waxaana idin ka codsaneynaa inaad noo gudbisaan qeylo dhaan teena madama aan kamid nahay shacabka ay kasoo gaartay dhibaatada dagaalada iska socda ee aan lahayn ujeedo iyo kajeedo toona.
Waadna mahadsan tihiin
C/waaxid Tahliil Xaaji Axmad tell.0046704681902
Comments (14 posted):
war ninku yu tuugsanaya
kkkkkkkkkkkkkk war magacaag aqarinmm
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
wali ma waxaad joogtaa mudulood, anakana
waxaan baacsa neeyna naato, iyo wixi la mid ah.waa dhaafnay mudullodiyo amisom.
mr hadaafow bring on what ever you have.
abaayo maacan "waa leys dilooya biliqo warkeeda iska iloow" Bravo caleyg dowloo!
Waxaad isoo xusuusisay Islaanti tiri markii eey aragtay dad meel ku xoonsan oo Rooti doonaaya tiri haddii eey Rooti waayeen meey Keeg iska cunaan kaas oo ahaa kan ugu raqiisisan inta eey Islaantu cunto.
Hadaba weyska xaal Adduune u adkeyso Qanjaruufyada yarta ah oo idin soo gaartay qoyskiina.
Post your comment