

Magaalada Nairobi oo goordhow ay ku kulmayaan madaxweyne Shariif iyo Hillay Clinton.
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa waxaa goordhow ka furmaya kulan dhexmaraya madaxweynaha dowladda KMG ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo xoghaya arrimaha dibadda dalka Mareykanka Hillary Clinton.
Amaanka safaaradda Mareykanka ayaa si aad loo adkeeyey, iyadoona xoghya arrimaha dibadda Mareykanka ay hadda u sugan tahay safaaradda, waxaana la sugayaa wafdiga madaxweynaha dowladda KMG ah oo ku sii jeeda goobta uu kulanku kadhacayo oo ah safaaradda Mareykanka.
Ciidamo dheeri ah ayaa la dhigay safaaradda Mareykanka kuwaas oo sugaya amaanka mas'uuliyiinta ku sugan goobta, waxaana safaaradda Mareykanka ku sii qulqulaya ragga wararka fidiya.
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa goordhow waxaa u soo geba gaboobay kulan uu la qaatay madaxweynaha Kenya kaas oo aan la ogeyn waxa looga hadlay maadaama labada madaxweyne aysan la hadlin saxaafadda.
Comments (1 posted):
Post your comment