Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Taliyihii ciidamada Booliska maamulka Puntland oo xalay isku dilay magaalada Garowe.

    Taliyihii ciidamada Booliska maamulka Puntland oo xalay isku dilay magaalada Garowe.

    Font size: Enlarge font

    Taliyihii Ciidamada Booliska Maamulka Puntland aya Xalay Isku Dilay Magaalada Garowe Ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

    Muuse Juquraafi oo ahaa taliyihii ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa xalay isku toogtay gudaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

    Sida wararku sheegayaan taliyaha ayaa isku dilay gacantiisa kadib markii uu dilkiisa u adeegsaday Bastoolad uu isagu lahaa, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

    Ilo muhiim ah oo aan soo xiganay ayaa sheegaya in taliyaha is dilay uu qabay xanuun xagga maskaxda ah taas oo loo anaanaynayo isdilkiisa.

    Geerida ayaa taliya ciidanka maamulka Puntland ayaa noqonaysa mas'uulkii 2-aad ee ka dhinta maamulka Puntland kadib markii kooxo hubaysan ay shalay bartamaha magaalada Galkacyo ku dileen Allaha u naxariistee wasiirkii warfaafinta maamulka Puntland.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com