

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka oo shaaca ka qaaday in shalay laga hor istaagay inuu ka qeyb qaato soo dhaweynta wafdiga madaxweyne Shariif ee Nairobi.
Ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha Barlamaanka KMG ah Pro. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka dhawaajiyey in loo diiday inuu soo dhaweeyo wafdiga madaxweynaha dowladda KMG ah ee shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Pro Dalxa oo la hadlayey bahda warbaahinta ayaa sheegay in safaaradda Somalia ee magaalada Nairobi ay ka hor istaagay inuu hogaamiyo wafdiga soo dhaweynaya madaxweynaha dowladda KMG ah islamarkaana loo diiday inuu wax ka raaco gawaarida safaaradda ay leedahay ee ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.
Wuxuu sheegay inay dantu ku qasabtay inuu si gaar ah u kireysto gaari Taxi ah si uu uga qeyb galo soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana uu shaaca ka qaaday inaanu ogeyn ujeedada ka dambeysa in loo diido soo dhaweynta madaxweynaha.
"Xitaa waxaa la ii diiday inaan wafdiga madaxweynaha ku booqdo hotelkii ay ka dageen magaalada Nairobi anigoo ah mas'uulka ugu sareeya dowladda KMG ah ee ku sugnaa magaalada Nairobi" ayuu yiri Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka KMG ah.
Si kastaba ha ahaatee shalay ayey aheyd markii magaalada Nairobi ay gaareen wafdi uu hogaaminayey madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed kuwaas oo magaalada Nairobi kula kulmaya xoghaya arrimaha dibadda dalka Mareykanka.
Comments (5 posted):
Ee talo hadad rabtiid walaaltiniimo oo somalinimo dhab aah kuu dhehaan tahaay, Iskaga hadh kuwaan jahilnimoo iyo takfirnimo ayaa halkaa dhigtee oo naftada cilmigaa uu baaro intaad Taxmiid iyo Takbir waax kaa dheer qolaadaan kitaab yartaa ee umaadi Somaliyeed oo dhaan galoo kuu xukmiyey, naclaad iyo duf allee kor kogaa haa kuu baxshoo Shayaadiintaa.
Firii Shaykh Cuumar Farouq iyo Shaykh Sharif Shaykh Abdi Nur yaa kaa cilmi badaan hadey Fiqii iyo Xadiis noqotaba, xataa anigu waxaan uu gobjog ahaa shaykh calama aah oo Massri ah ayaa cilmi xadiska naguu yidhi waxaan wax kaa bartey Shaykh calama ah oo dhintey barii horee oo waa Shakh'ul Yaman wa Shaykh Muqbil Raximullah ayaa yidhi Shayku'Mohamed al Somal waa calimkeygii cilmu xadis iy fiqiga, waxaa lagaa hadlayaa qarnii amba labaa qarnii kohor , markaa Shaykh Cali Jowhar waa calama fil fiqii Raximullah isaguna waa labaa qarnii kohor ayuu dhiintay Raximullah, ardey waaxaa uu ahaa Shaykh shaykh Maxamad Al Somal, Shaykh Calama Maxamad Macalin Calim fil Fiqii iyo Calama Shaykh Sharif Shaykh Cali nur iyo Calama Shaykh Shaykh Cumar Faruq waa abunaa kulugood, Markaa sidaas ayaa cilmigaa laguu kalaa dhaxlijiraay nacas yahoy, Ixtariim bil cimrii waa cilmii,
Walaal iskaa jooji hadaa Xarbii Fiidna ayaa kaa jiraa hada somalia ee ma jiroo jihaad xaaq ah, siradaa akhrii oo cilimiga Xadiskaa iyo Fiqigaa baroo Intad Dhagar uu Xamdin amba Takbir kuu dhawaqaysiid, Calamada waydii uu loqnadaa waaxaad iskuu qabataan , Imissa kam ayaad, xadis iyo ayaado quran dalil kuu qoraan, halkey dhiig muslim kuu xalal noqday Sumxalallah, waar Allee uu noqdaa Al shabaab iyo Xisbu Islam iyo wixii la halmalaa intay towbadu inii furantahaay.
Towbad keen, waa taqaan xogga qurankaa , balsee laba kitaablee xaal kuu maa jiroo ee Calamadaa uu noqoo.
Waa bilaahi Towfiq.
Post your comment