

Shiikh Cali Dheere "Soo kordhinta AMISOM wax weyn uma arkaynayo waana sii wadaynaa dagaalka"
Ururka Al-shabaab oo kamid ah dhinacyada ka dagaalama guda dalka Somalia ayaa sheegay inaysan waxba u arkaynin soo kordhinta ciidamada AMISOM ee dalka Somalia.
Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo warbaahinta la hadlayey kadib shir jaraa'id oo uu u qabtay ayaa sheegay inay soo kordhinta ciidamada AMISOM u arkayaan kaliya fursad ay ku laayaan gaalada Nasaarada sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay inay hayaan macluumaad ku saabsan inay magaalada Muqdisho soo gaareen ciidamo dheeri ah oo ka kala socda dalalka Ugandha iyo Brundi, isagoona markii ugu horaysay qiray inay jiraan saraakiil kasocda dalka Siera Leone oo Muqdisho soo gaaray.
"Mujaahidiinta Al-shabaab uma arkayaan soo kordhinta gaalada wax dhibaato ah ee waxay u arkayaan guulo waayo waxay laynayaan gaalada Nasaarada" ayuu yiri Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) afhayeenka xarakada Al-shabaab oo warbaahinta la hadlayey.
Si kastaba ha ahatee hadalka ka soo yeeray ururka Al--shabaab ayaa imaanaya xilli maalmo kahor magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo dheeri ah oo ka socday dalka Brundi kuwaas oo si qarsoodi ah diyaarado looga soo dajiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Comments (3 posted):
Post your comment