

Labo Beelood oo ku dagaalamay degmada Xarardheere oo dhex dhexaadin laga dhex bilaabay.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in halkaas ay ka bilowday dadaalo lagu heshiisiinayo labo beelood oo seddax maalin kahor ku dagaalamay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere Cumar Maxamed Diiriey ayaa saxaafadda u sheegay in qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Xarardheere ay bilaabeen dadaalo ay ku kala dhex galayan labada beelood si colaadda loo joojiyo.
Wuxuu sheegay inay waxgaradka ku dhaqan halkaas ay u istaageen inay colaadda joojiyaan si aanay mar kale dagaallo uga dhex qarxin labada beelood, waxaana uu ugu baaqay beelaha dagaalamay inay aqbalaan waanwaanta laga dhex wado.
Wuxuu dhanka kale muujiyey inay jiraan saansaan weli ka taagan magaalada Xarardheere, isagoona sheegay in labada beelood ay wadaan isku hub uruursi ayna ka cabsanayaan dagaallo mar kale dhexmara.
Si kastaba ha ahaatee waan-waanta laga dhex bilaabay labada beelood ayaa ku soo beegmaysa xilli 3-maalin kahor ay magaalada Xarardheere ku dagaalameen labo beelood oo wada daga halkaas.
Comments (0 posted):
Post your comment