Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Shiikh Shariif oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo Hillary Clinton xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka.

    Shiikh Shariif oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo Hillary Clinton xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka.

    Font size: Enlarge font

    Madaxweynaha dowladda KMG ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas uu kula balansan yahay xoghaya arrimaha dibadda dalka Mareykanka.

    Madaxweynaha dowladda KMG ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas uu kula balansan yahay xoghaya arrimaha dibadda dalka Mareykanka.

    Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno katirsan wasiirada dowladda KMG ah ayaa waxaa diyaarad qaas ah ay ka qaaday garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

    Kahor intii uusan ka dhoofin garoonka ayuu saxaafadda siiyey hadal kooban, waxaana uu sheegay inuu magaalada Nairobi kula kulmi doono haweenayda arrimaha dibadda u qaabilsan dowladda Mareykanka islamarkaana ay arrimo badan ka wada hadli doonaan.

    Wuxuu intaas ku daray inay beesha caalamka kala hadli doonaan sidii taageero dhab ah loogu fidin lahaa dowladda KMG ah islamarkaana si wada jir ah loola dagaalami lahaa wax uu ugu yeeray argagixiso caalami ah oo ku sugan dalka Somalia.

    Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Nairobi kula kulmo xoghaya arrimaha dibadda dalka Mareykank ayna ka wada hadlaan arrimaha cakiran ee dalka Somalia.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    dulmidiid 1 on 04 August, 2009 10:45:13
    Haddii iyo Haddii aanu Oday Xasan Hogaamiyaha Haraadiga Hogaamiye Kooxeedyadu aanu diidi laheyn ineey Nabad ka aslaaxdo Caasimadda Somalia waxeey ku wada kulmi lahaayeen Muqdisho laakiin waxaa sabay ineey Nairobi ku kulmaan waa Maseysane Xasan Daahir Aweys marka laga soo tago Alsheeydaan oo uu isagu fursad u siiyay ineey Muqdisho xabadda ka ridaan.

    Waxa laga wada hadlaayana waa sidii taageero buuxda loogu heli lahaa in Dalka laga xaaqo iitalin meysid,kuu talin maayo,wada tashanmeyno oo kala tegemeyno kuwa aaminsan oo mudada 20ka sanood ku dhow Dalku u xayirnaa.
    Di Jango` on 05 August, 2009 12:22:07
    hadda ayuu maseer la seexan doonin hogaamiyaha Xisbul-Xasuuqeey Illaaheey ha idiin cadaabo Xasno Dhaahiro Aweeyseey iyo weliba guruubyadiisa oo wasaqda ah sida Hebel Mahdiyo iyo muuseey Caraale iyo hogaamiyaha Al-Sharmuuto,Al-Habaab Mrs. Godaneey iyo kuli. Caawa ma jiifan karaan Illaaheey ha duleeyo kuligooda
    gutaale on 05 August, 2009 04:40:47
    s.c.w.war somaliyey aan ilaah u dhawaano kana duceysano musiibadaan.xasan dahir isaga ayaa naga dhib badan aan ilaah u barino in uu ka toobad keeno.waayo culeys ka xoog badan ayaa saaran mana joogo meel uu ka soo noqo karo.sababtu waa maxay? xassan goob wuxuu u ahaa dagaaladii sogeeye oo dhan intaa waxaa usii dheer uu maanka ku hayaa ama ey la tahay in aan leys xisaabin donin.waayo qab qablayaashi dagaal waa joogaan walina cidna ma xisaabin.lakiin tariikhdu waa mid aan lumeyn jiil ka jiilna waa isu dhiibayaan ee la soco adiga raga la magac baxay shbaab iyo kuwii idinka horeyay.waxaad ogaatiin dhiiga shacabka somaliyeed in aan cina loo cafin doonin.sharifna idinkama cafin karo mana idinku badbaadi karo.masiirkiinu waa in aad dagaal ku dhimatiin ama maxkamadd leydin soo saaro sida shareecadu qabto.waa bilaahi towfiiq.
    Hussein on 05 August, 2009 03:26:39
    Arinta somaliya wax lagala hadlaya o ay ku xiran tahay gudomiyah Al-Qacida shikh Usam biladan isaga ay amray in lala dagalmo dowlad shikh sharif sh.Axmed inta ay al Qacid jirto xal malaha e xan lagu dalim.
    jaabir on 05 August, 2009 04:02:16
    dadkaan eedeeynaayo shekh xasan daahir aweys xafidahullaah oo adinku ma,aragtaan miyaa dadka maanta kudhex jira dowlad kusheegta uu looga dhigay hogaamiye shariifka ,oo waxaa kujira dagaal oogayaashii oo dhan oon midna kamaqneen oo uu kamid yahay muuse suudi maxd qanyare cismaan caato indha cade bashiir raage oo ayaga ilaa iyo hada aan laga heeynin afkooda wax yowbad keen ah oo weliba la,ogsoonyahay dhibka ey ugeesteen shacabla masaakiinta oo weliba kukufsaday gabdheehna masjidumuur oo kuyaal bilaajo kadin markii meesha ay ugaleen magan galyo ilaaheey ay kula soo baxeen ey ugeesteen kufsasho iyo garaacid marka waxaad dooneeysaan miyaa soomaaliya iney nabad noqoto ama ey nabad kusoo hoyaan dadkaan mujrimiinta ah oo aan soo sheegay waxaan idiin leeyahay haku riyoonina iney somaliya nabad iyo barwaaqo noqoto ayagoo ay kujiraan mooryaantaan an soo sheegay

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com