Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland oo lagu toogtay magaalada Galkacyo.

    Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland oo lagu toogtay magaalada Galkacyo.

    Font size: Enlarge font

    Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa goordhow kooxo hubaysan waxa ay ku dileen bartamaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu dhawaanahaan ku sugnaa wasiirka.

    Labo nin oo hubaysan ayaa toogasho ku dilay wasiirkii warfaafinta maamulka Puntland allaha u naxariistee Wasrmase Cabdi Shirwac oo loo yaqaanay (Seefta Banaanka) kuwaas oo durba ka baxsaday goobta.

    Wasiirka ayaa xiliga la dilayey waxaa la sheegay inuu ku howlnaa arrimo la xiriira amaanka magaalada Galkacyo, isagoona xubin ka ahaa guddi dhawaan madaxweynaha maamulka Puntland u xilsaaray wax ka qabashada amaanka gobolka Mudug.

    Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ayaa sheegayb inay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka wasiirka, waxaana ay sheegeen inay dhawaan gacanta ku soo dhigi doonaan.

    Xaaladda magaalada Galkacyo dhankeeda waqooyi oo uu dilka kadhacay ayaa aad u kacsan, waxaana dadku ay hadal hayaan dilka wasiirkii warfaafinta maamulka Puntaland.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com