

Dagaallo iyo Duqeyn saaka kadhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaallo xooggan oo ay barbar socdeen madaafiic culus ayaa saaka kadhacay xaafado ku yaala degmada Hodan magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeyey xoogagag mucaaradka oo dhinac ah iyo ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya AMISOM.
Dagaalka iyo duqeynta ayaa kadhacay xaafadda Taleex iyo isgoyska Tarabuunka halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, waxaana goobta kadhacay dagaal fool ka fool ah.
Dhinacyada ku dagaalamay degmada Hodan ayaa sidoo kale is weydaarsanayey duqeyn culus, waxaanma jiray madaafiic ku soo dhacayey qeybo kamid ah xaafadaha degmada Hodan oo ay dad shacab ah ku dhaqan yihiin.
Faah-faahin lagama hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee saaka ku dagaalamay degmada Hodan magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare aan la heynin cadadkiisa oo dadka shacabka ah ka soo gaaray madaafiic lagu duqeeyey xaafado ku yaala degmada Hodan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka saaka kadhacay degmada Hodan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaradaha ka jira magaalada Muqdisho ay sii xoogaysanayaan tiiyoo weli dhinacyada iska horjeeda ay wadaan weli abaabulo dagaal. a
Comments (2 posted):
Walee Dheehaay dhaaxa oloshay waa lagaa dhalin oo laguu dhigi,waxaa soo dhaw wakhtigi Shacabka laga qaban lahaa kooxaha Nabaddiidyada ee gabaadka ka dhigtay.
Post your comment