

Ciidamada dowladda oo dad ka qabqabtay degmada Dharkaynlay kadib howlgallo ay ka sameeyeen.
Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saaka howlgallo dad lagu qabqabtay waxa ay ka sameeyeen xaafado ku yaala degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka ay ciidamada dowladda KMG ah ka sameeyeen degmada Dharkaynlay ayaa la xaqiijiyey inay ku qabqabteen illaa seddax dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadaha degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho.
Ilo xog-ogaal ah ayaa ku waramay in ciidamada dowladdu ay seddaxda dhalinayarada ah kala soo bexeen guri ku yaala degmada Dharkaynlay deetana ay halkaas ka kexeysteen lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen.
Holwgalka ciidamada dowladda KMG ah saaka ka sameeyeen degmada Dharkaynlay ayaa ka dambeeyey kadib markii xalay qeybo kamid ah degmadaas lagula beegsaday qarax loo adeegsaday bam gacmeed kaas oo dad rayid ah ku dhaawacmeen.
Si kastaba ha ahaatee degmada Dharkaynlay ayaa maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda KMG ah waxa ay ka sameynayeen howlgallo xooggan kadib markii halkaas tiro dhowr jeer ah lagula beegsaday qaraxyo xooggan.
Comments (1 posted):
Post your comment