

Qaraxyo xooggan oo ciidamada dowladda xalay lagula beegsaday magaalada Baledweyne.
Labo qarax oo is xigxigay ayaa xalay ciidamada dowladda KMG ah waxaa lagula beegsaday xaafado ku yaala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Labada qarax ayaa ka kala dhacay buundada Liiqliiqato iyo xaafadda suuqa xoolaha, waxaana labada lala beegsaday ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa kadhacay buundada Liiqliiqato ayaa lala beegsaday fariisin ay ciidamada dowladda KMG ah ku leeyihiin halkaas, waxaana qaraxa labaad oo ku xigay uu isna kadhacay xaafadda suuqa xoolaha oo ay howlgallo ka wadeen ciidamada dowladda.
Qof rayid ah ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa kadhacay xaafadda Suuqa xoolaha kaas oo dhaawaciisa la dhigay isbitaalka Magaalada Baledweyne halkaas oo lagu dabiibayo.
Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda kMG ah ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan cidda ka dambeysa qaraxyada xalay lala beegsaday ciidamada, waxaana uu intaas ku daray inay gacanta ku soo dhigi doonaan.
Si kastaba ha ahaatee qaraxyada xalay ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday magaalada Baledweyne ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan magaalada Baledweyne qarax lagula beegsaday mas'uul katirsan maamulka dowladda KMG ah ee gobolka Hiiraan.
Comments (0 posted):
Post your comment