Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | Maqaal | Jihaadka Suuqa Madow ah (Maqaal cajaaib leh)

    Jihaadka Suuqa Madow ah (Maqaal cajaaib leh)

    Font size: Enlarge font

    Waxa dadka xaq doonkaa lagu gartaa markii la hor dhigo qodob gar ah dib ayey u joogsadaan wayna gar qaataan. Dadka ahlul baadilkaana waa is maqiiqaan oo isla waynankoodaa denbi ku xanbaara (Haddii  la yiraahdo alle ka cabso, islaweyni buu danbiga ugu sii bareera) Albaqara 206.  Xadiithka rasuulkana csw wuxuu yiri : (haddii uu muran ama dood galo waa xadgudbaa) oo  calaamadaha munaafiqa waxaa ka mid ah, markuu murmo inuu faajirnimo sameeyo.
     
    Reer Ciraaq ayaa iyagoo diley wiilkii nabigu s.c.w awowga u ahaa oo Xuseen Ibnu Cali waxey Ibnu Cabbaas waydiiyeen hadii qofka xaajigaa kaneeco dilo wax dhiig ah maku waajibey? Ibnu Cabbaas weedhiisi caanka noqotey ee aheyd: Reer Ciraaqow yaab baad leedihiin, dhiigii Xuseena ma daadineysaan, dhiig kaneecana ma weydiineysaan ayuu ku jawaabey.
     
    Waxaa taas la mid ah oo maanta dalkeeni iyo meelo kale oo badan oo Neyjeeriya ka mid tahay ka jira kama duwana xaaladaas oo kale. Bal u fiirso culimadii dalka Soomaaliya diinta ka aqrin jirtey oo fatwada loo wacan jirey ma maqasheen wax warkooda haya? 
    Weliba waxaa xusid mudan dhallinyaradaan baxsadkaa waxey u nisbo sheegtaan tayaarka salafiga ah oo ka mid ah tayaaraatka fikriga diinigaa ee dalka Soomaaliya ka jira oo kala ah:
     
    1. Tayaarka suufiga ama dariiqooyinka
    2. Tayaarka ikhwaaniga
    3. Tayaarka salafigaa
     
    Shacabka Soomaaliyeed oo muslimkaa wuxuu ama si toos ah ama si dadban u hoos tagaa mid ka mid ah tayaaraatkaas sadexdaa mid ka mid ah.
     
    Tayaarka salafigaa oo dhallinyaradaan baxsadkaa u nisbo sheegtaan maahan tayaar iyagu hadda ay sameeyeen ee waa tayaar leh rukumo oo dalka hore uga jirey. Culumo waaweyn oo cilmi badan ayuuna leeyahay. 
     
    Hadaba aqristoow si aad u fahmato dhallinyardaani baxsadka ah meesha ay wax u wadaan, aan isla eegno haddii jihaadka ay sheeganayaan ay la ogyihiin culimada salafiyadu iyo haddey tahay arrin suuq madow ay kala dhuunteen.
     
    Anigu mawqif ahaan tayaaraatkaas diinigaa iyo bulshada kale ee wax garadka ahba waxaan qabaa  iney dalka ahlul xalli wal caqdi ka wada yihiin oo arrimaha masiiriga ah ama aayo ka talinta ah  ay dhex yaallaan ayaan aaminsanahey. Qolo gaar isku xejin karta oo kuwa kale faquuqi kartaana ma jirto.
     
    Maantase dhallinyaradaan salafiyada u nisbo sheegata waxaan kula xujeytameynaa mandiqooda oo manhajka salafiga ah oo ay u nisbo sheegtaan, oo  iney xataa ka baxsadeen tayaarkaa salafiga ah ayaan halkaan kusoo gudbinayaa. Iyo sida diinta ay doonayaan iney ummadda dhan uga qafaashaan oo ay ugu tasarrufaan sidey doonayaan.
     
    Suufiyadu culimadooda iyo maraajicdoodey leeyihiin. Ikhwaankuna maraajicdooda goonidaa ayey leeyihiin. Salafiyaduna sidoo kale maraajicdoodey leeyihiin. Dhammaantoodna waa dad wada muslimiin ah, soomaali ah oo ay waajib ku tahay iney qiraan in iyaga dhexdooda iyo shacabka kaleba uu u dhaxeeyo dalka Soomaaliya iyo maslaxadiisuba. Masaa?ilka fikrigaa ama fiqhigaa ee ay isku khilaafsan yihiina waxba kama khuseeyaan dalka masiirkiisa ama aayahiisa. Iyagoo intaasoo dhan isku khilaafsan ayaa hadana dalku ka dhaxeeyaa, qolo gaar dalka isku xejin kartana ma jirto.
     
    Salafiyada oo culimadoodi la yasey oo iyagiina meesha laga saarey.
     
    Masaa?iilkii  Culimada Salafiyada loo wacan jirey iyo kuwa maanta lagala dhuumanayo kuwee khatarsan caqlibaa ilaahey ku siiyey?e. Maanta waxaa culimadii salafiyada lagala dhuuntey oo la yiri waxba kama gashaan arrin ku saabsan ( al dimaa,u wal furuuj) dhiig iyo farji la xalaaleeyo. Ka warrama dawladda ku meel gaarkaa dadka ku jira oo kumanaanka ah iyo dadka taageersan oo laga yaabo iney malaayiin gaaraan, wiilka dhallin yaradaa ee ku xukminaya ridada? xukunkaasi ma yar yahay oo mas?alo-gaab maka bixi karaa?
     
    Markii riddo lagu xukmiyey in dhiigooda iyo maalkooda la banneystaa ma yar tahey oo culimada waa looga maarmaa?
     
    Haweenkeey qabeen in la iska wato oo la xalaaleysto ka warrama waxaa ka fatwoonaya wiil shaley mooryaan ahaa oo sida loo booreysto aan aqoone.
     
    Gabdhahey weliga u ahaayeen iyadoon lagala tashan ayaa leyska mehersanayaa.
     
    Ka warrama dadka aysan arrintaasi wax cabsi ah ku heyn oo isla quman oo dadka kale tuhmaya oo iyaga laga baxsan la? yahay tuhunkooda iyo af xumadooda.
     
    Sh. Cumar Faaruuq mar uu wareysi bixinayey wuxuu yiri: Soomaalidu waa dad yar oo is wada yaqaanee waa kuwee culimada magaca leh oo waxaan Soomaaliya ka socda jihaadka ku sheegey oo ogolaatey?
     
    Culimadii masaajida Muqdisho, Baydhabo, Boorame, Hargeysa, Burco iyo Boosaaso iyo B/Weyne iyo Kismaayo cilmiga ka aqrin jirtey iyo kuwii wadama Soomaalidu ku badan tahay joogey waa la yaqaane yaa dhallin yaradaan baxsadkaa ku taageersan "jihaadkooda"?
     
    Wax ka taageersan markey waayeen waxey sameysteen ru?uusan juhaalan, madax jaahiliin ah oo manhajkooda baxsadkaa u fatwooda.
    Sh. Cumar Faaruuq iyo Sh. C/Nuur markii taleefoon loo dirayo xataa magacooda waxaa la raacin jirey abuunaa iyo waalidunaa? Maantana majaahiil ama ku aan la garanayan oo iney joogaan ama maqan yihiin aan la aqoon ayey ka dhigeen ragaan jihaadka jeebkoodaa ku wata!
    Sh. Shariif shaley iyo maanta cajalad la yiraahdo oo isku keen keen ah ayaa laga diyaariyee maad mid kale kasoo diyaarisaan raggii Sh. C/nuur iyo Sh. Cumar faaruuq ku maxaafsan jirey oo waalidunaa oran jirey, maantana liiska ka tirey?
     
    Caytanku hanoo danbeeyee maxaa al dimaa?u wal furuuj  (dhiig iyo farji) iyo arimaha masiirigaa ee dalkana ciyaalka yar yar siiyey iney go?aan ka gaaraan, culimadii waaweynaana siiyey in xayd iyo nifaas laga wareysto? Shareeca aan u halgamayaa iyo culimada sharcigaan meesha ka saarayaa waa sheeko cusub oo iyaduna fiiro u baahan.
     
    Yaa marjic u ah diinta oo loola laabtaa oo ulul amri ah markii la is qabto?
    Waa ayo dadka imaam Ibnul qayim uu ku tilmaamey( almuwaqicuun can rabil caalamiin) kuwa magaca ilaahey wax ku saxiixa?
    Waayo warathatul anbiyaaga xadiithku sheegay?
    Waatee diinta culimada lagala dhuuntey?
    Waa kee jihaadka aysan ahlul xali wal caqdiga culimadu ugu horreyso aysan shuqul ku laheyn?
    Dood wanaagsan iyo kala gar qaadasho ayaa loo baahan yahay, haddii kale markii dhiig badan xaaraan lagu daadiyo ayaa kuwa toobad keena iyo kuwa la iska qabto ama duurka u baxasada arrinu ku dhammaan doontaa.
    Warsame Gaabane.
    [email protected].
    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (11 posted):

    jaabir on 03 August, 2009 07:12:45
    qofka soo qoray qoralkaan su,aal adiga macaaytameeysaa mise dadbaad wax usheegeysa mise waxaad tahay mufti aniga ilaa iyo hada waan fahmi la,ahay ee waxad yeeshaa ninyahoow gacmhaaga waxey qoraan iyo afkaaga wuxuu kuhadlaba in laqoraayo sowma ogid hadii aad isleedahay mujaahidiinta aflagaadeeey ama dadka kashaki gali howsha ey kujiraan oo jihaadka ah waxaad ogaataa ineysan jirin qof dheg jalaq usiineeysa qoraalkaagaas hadii aad run wadatid maad kahadashid howsha fiican ey qabteen oo ah bur burinta qubuuraha labarakeysan jiray iyo mukaafaxatul mukhadiraad iyo weliba amniga iyo kala dambeynta ey kusoo celiyeen inta badan gobolada somliya mise waxaad kaxuntahay wanaagaas ey qabteen oo adinka aad qaban weyseen oo hadalkiina keliya aflagaado iyo gaalo dhiiro gelin keliya ah hadaba hadii aad tahay qof wax isku haya oo faqiih ah ila soo xirri aniga oo ah [email protected] laakiin rajaa,an hadii aad tahay qof caaytamaayo haila soo xirrin laakiin diyaar waxaan kula ahay inaan kula doodo siwanaagsan oo aan iksu fahmeyno wabilaahitowqiiq fiiro gaar ah hana iila imaanin saasbaa layiri iyo sidaas ayaan maqlay ok bil adilla ayaan diyaar kula ahay wasalaamu c/kum wr/wbr
    shiiqa on 03 August, 2009 10:18:09
    asalamu-alaykum walaalkeygiyow jaabir aan u wadaa sheekada horta haday ahaan lahaayeen dadka in wax lais dhaafsado dagaal madhici lahayn mideeda kale qori in wax lagu xaliyo lee miyaa mise in lawada hadalo ileen gaalo manihinee dhinac walba oo dagaalamayana waxay leeyihiin allahu akbar ilaah unbaa garanayo umadii sax san ilaah waxaan kabaryayaa somali danbigooda mayaree in iimaam cumar ibnu qadaab oo kale ilaahay agtiisa kun fayakuun ay katahay hala ducaysto oo niyada hala furo markii laducaynaayo laakiin hadaan nahno ninkaan wuxuu sheegay aan dood kabixinaa naxariis ilahay way naga fogtahay wasalamu alaykum qori hala dhigo oo la hala wado hadlo diin waa laisku kala bixin karaa
    jaabir on 03 August, 2009 11:30:51
    w/salaam w/r wbr/ walaalkeyga shiiqa kheyr ilaaheey haku siiyo marka hore marka xigtana waa adiga oo kale qofka wax lala dhageysan karo waa sax anaga gaal manihi alxamdulilaah ilaah ayaana ugu mahad celineynaa islaanimada laakiin walaakeyga shiiqow markaad leedahay qofkii saxsan ilaah ayaa og taasi waxaan umaleeynayaa iney wax xoogaa sax aheyn maxaa yeelahay ilaaheey sub xaanahu watacaalaa wuxuu nooogu sheegay suurada alshamsi inuu dhahay nafsada ayaan kudhaartay iyo qofkii abuuray kadibna ukala cadeeyey faajir nimadeeda iyo alla kacagsigeda marka wadada toosan iyo mida khaldamba wey cad yihiin laakiin madhicin wakhtigii rasuulka s/c/w/ iney nimankii munafiqiinta ahaa sida c/laahi ibnu ubayya ibnu salool inuu lasoo saftay gaalada markey isdagaalaayeen gaalada iyo muslimiinta laakiin afkiisa ayuu kula dagaalami jiray muslimiinta laakiin madhicin inuu lasoo barbar dagaalamay gaalada laakiin maanta waxaan haaynaa dad sheeganaayo muslimiin hadana gaalo lasoo barbar dagaalamaayo welina madhicin gaal ayaa raali ka,ah iney muslimiinta isku xukumaan shareecada islaamka ilaaheey ayaaba qur,aankiisa noogu sheegay gaalada waxey jeclaan lahaayeen inaad gaaloowdaan siday ayaguba ugaalooween oo markaa isku mid ad noqotaan, marka walaakey shiiqoow qofka muslimka wuxuu uga bixi karaa mixnadaan inuu barto diintiisa islaamka ilaaheey wixii kheyr ah hana waafajiyo aad ayaadna umahad san tahay wasalamu c/kum wr/wbr
    Alxaqiiqo on 03 August, 2009 11:33:06
    ku:- Jaabir, tuug baad tahey, waxaan u maleeynayaa in gorgoredii ama Goonadii kuugu jaraatey ama kuugu wasaqoowdey, koleeyba dharka naagaha ayaad xerataan sida hogaamiyahiina Mrs. Godane, ama Jalbaabkii aan dhaho Shukadii ayaa qaali idiinku noqotey, sababtoo ah Shicibkii ku noolaay Xamar ee aad baada ka qaadeyseen weey kabarakaceen, barakacoodiina idinka ayaa aaqiro leeydiinkula xisaabtami doonaa taasi ogaada. Marka Jaabir aan u noqdo ma adigana gabdhiina ayaad u rabtaan Al-Mufsid ama Al-Munaafaq adiga inteed ka taqaanaa wax la yiraahdo Jihaad, halkee ka soo baratey Diinta, inttebuu uga qoranyahey in ninka raggu dharka Dumarku xirto? ma ii sheegi kartaa taasi, misse adigaaba jecel Goono iyo Dirac qaadato, ama garba saar iyo shukko sidii haweenka? marka ma tihidiin Mujaahidiin, haddana sabab ma heeysatiin ummadda Soomaaliyeed kuli waa muslim, diintaan weey u dhasheen, idinka koleeyba Illaaheeyba idiin la xisaabtami doona, guulna ma gaareeysaan taasi ogaada. Guul Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shicibkiisa Soomaaliyeed oo Islaam ah
    jaabir on 04 August, 2009 01:01:46
    kkkkkkkkkkkk waxaan layaabanahay oon kuqoslaa mar walbo dadka adigoo kale ah micnaha maba taqaaniimba asluubta qofka leyskaga dhiciyo ama wax loo weydiiyo waxaan ka,eeeh caaytan iyo waxaan jirin mataasaa xal idiin ah waayahee waxaan kuleeyahay alxaqiiqoow baro diintaada oo akhriso kutubada si,aad uga baxdo ibtilida kuheysato ee caaytan wax beey kuudhimeeysaa maahane waxba kuuma tarto marka adigoo dhiigaada dejinaayo qofka sitartiib ula hadal hadii aadan rabina hada aniga idinkuma daysanaayi adiga iyo wixii kula mid ah waxaan idiin leyahay keiya ilaaheey ha,idin soo hanuuniyo xaqana idiin tusiyo waxaana mahad iska leh ilaaheeygii iga caafiyey wuxuu idinka idinku imtixaanay oona iga fadilay in badan oo kamid ah khalqigiisa
    Wadani on 04 August, 2009 01:58:55
    SALAAN KADIB, WALAALAYAL WAXAN NOQONAY DADKA ADUUNKA UGU DANBEYO OO MALIHI SHIIKH,ODEY,AQONYAHAN,SIYASIYIN. MARKA INLAIS FAHMO HALISKU DAYO OON YAAN LIS CAYIN.WA LAKALA FIKRAD KALA DUWANAN KARA MARKA DADKA ADUUNKA UGU DULQAADKA YAR YA LANOQONIN
    ibnu jaraax on 04 August, 2009 02:55:59
    salaanta islaamka ayaan idiinku wada salaamay salaan kadib walaalayal hala is dhagayso allana halaga baqo eryga alle halaga baqo waa eray weyn oon yareeysi lahayn caydu ama daccayda qof islaam la dacaayadeeyo wax wanaagsan ma aha diintuna waa hal diin magacyada badan iska dhawra nabiga raadkiisana aan raacno waxa ka socda wadankeenana aan alle u dayno oo fitno weeyee fitnada farha kala baxno. wabilahi tawfiq.
    cirtoogte on 04 August, 2009 03:56:29
    Mooryaankii 20 sano ka hor shiirkole qabsadey oo naag reerbaraawe ah soo bililiqeystey cunigii uu dalay waaye mujaahidka la sheego wuxuuna u heystaa inuu isaga shiirkole leeyahay wax biniaadam ah oo wax u sheegi karo ma jiro ha idinka saaaarto
    Jama Yare on 04 August, 2009 10:40:32
    Asc Wr Wb marka hore yaan lays cayin cayda ma fiino xag dineed iyo mid dhaqan qof binu admiga ahba intaas ka bacdi jaabir waxaan leeyahay nimankan aa tageersan tahay aa leedahay waa mu jahidiin sxboow horta ayaga oo dad muslima intey dilaan dhahayaan galo dilney lee arkayaa jihaadka somalia yalo oo caruurta iyo hooyinka lagu qixinayo la yabnahay iyo dagaalkan ay wadaan nimankan shabaabka la baxay iyo xulafadooda oo aan dhamadka lahayn diinta islaamkan xadgudubka ku ah tusaale hadii aan ku waydiiyo su aal adiga jaabir ah oo leh diinta la soo aqristo amaba kutubka diinta islaamka ogoshahay in xukunkii lagu fuliyay wiilashii dhalin yarada ahaa ee lugaha iyo gacmaha laga jarey suuqa xoolaha ka dhacdey? waa su aal taas su aasha labaad diinta islaamka ma ku baneysay qof muslim ah inaad gaal ku tilmaanto? tan sadexaaad macanaha jihaadka ii sheeg? jihaadka goorma ayuu xaq yahay maxase lagu jihaadi karaa? oo banaan? wa bilaahi towfiiq
    Ode-Cabdulle on 04 August, 2009 01:15:08
    Oo qof dadka dhacaayo, qabuuro faagaayo,dad aan waxbo lagu xajiinin in dembigaasi galey in kale qoorta ama gacan lug gooynaya, ama islaan miskiin ah oo ninkeeda ka furaayo oo xoogna ku gursanaayo iyo gabdhihii masaakiinta aheeyd oo reer miyiga qasab ku guursanaayo makaasi mujaahid ah? xeeytahay Diintu heeysto?Ii sheeg yuu la jihaadaa ii sheeg, Soomaalidu ma gaal baa?Anigu kaasi dhihi maayo waa mujaahid ee waa tuug, mufsid, daalim weeyn, ahna Ahlul-Xasuuq. Mujaahid Mufsid waaye kaasi. Illaaheey hana qabto duligaasi, mufsidka ah. Midna wuxuu uga marakacayaa in uu mujaahid yahey, Wallaahi adigaaba asiga ka daran kuwaani oo arxankii iyo Iimaankii laga qaadey.Cadaabta Illaaheeyna waa idiin dambeeysaa ee hadda Toowbadkeena u naxariista dadkaani masaakiinta ah ee dagaal aan dhamaaneeynin ka soo daaley, illaaheey ha u fududeeyo dhibka aad ku heeysaan masaakiintaan. Ha dhacaano kuli Al-Habaab iyo Xisbul-Xasuuq
    jaabir on 04 August, 2009 03:26:04
    salaan kadib marka hore qofka isku magac caaway adey cabdulle adiga warkaaga waa cadtahay oo waxaa kuugu caatifad qabiil nimo ilaaheey haku soo hanuuniyo qofka kale isku magac caaway jama yare markaaad leedahay mabaan tahay in qof muislin ah laga jaro gacmaha iyo lugaha oo asiga diintee ubaneeysay inuu sooo qaato bastoolad kadib uu dhoco xoolaha islaameed haduu ahaan lahaa kelya tuug wax dhoco oon wadan bastoolad hal gacan ayaa laga gooyn lahaa magarata laakiiin wuxuu kudarsaday fasaad kale oo ah inuu dilo qofkii xoolaha lahaa haduu siin waaya taasna mujaahidiinta waxey utiiirsadeen kitaabka qu,aanka suuratul,maaidah ayaada 33 aad kafiiri hadii aad tahay qof yaqaano qur,aanka kariimka hadaadan aqoonina tusi qof kale oo kuu akhriyo wabilaahi towfiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com