Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Taliye Dhuumaal:- Anigu waan caafimaad qabaa, waqtigeygana dhaafi mayo

    Taliye Dhuumaal:- Anigu waan caafimaad qabaa, waqtigeygana dhaafi mayo

    Font size: Enlarge font

    Iyadoo ay todobaadyadii la soo dhaafay qaar ka mid ah warbaahinta qoraalku daabaceen warar sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal uu sariir ku aruuray qaarkoodna ay xuseen inuu ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, ayaa waxaa maanta inoo suurta gashay inaan wareysi la yeelano Jeneraal Dhuumaal.

    Jeneraalka oo ku guda jiray xilligaasi howl maalmeedkiisa isla markaana amaro siinayay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Dowladda federaalka ayaa ii sheegay inuu maqlay in qaar ka mid ah warbaahintu ay daabaceen in dhimasho ama dhaawac halis ah labadaas u dhaxeeyo, isagoo taasina beeniyay.


    “Anigu waan caafimaad qabaa, waadna I aragtaa howsheydii ayaan ku jiraa, hadde waqtina waan leeyahay oo waan aaminsanahay inaan mar uun dhimanayo balse waqtigeyga cidna igama soo hor marin karto cidna iima dib dhigi karto”, ayuu yiri Taliye Dhuumaal oo hoosta ka xariiqay inuu aagaga hore ee dagaalka ku jiray xilliyadii ay socdeen dagaaladu Waqooyiga Muqdisho ee u dhaxeeyey dowladda kooxaha Mucaaridka, basle aanu la kulmin wax halis ah ama dhaawac ah sida ay qoreen Website-yada qaar.

    Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhowaanahan uu safaro dibedda ah gaar ahaana dalal Afrikaan ah uu socdaalo shaqo ku soo maray isla markaana uu kala soo hadlayay arrimo ku aadan dib u dhisida ciidamo xoogan oo dalka Soomaaliya uu yeesho taasoo haatanba socota qorshaheeda.


    Ugu dambeyntiina Dhuumaal ayaa xusay in cida xilkan uu u hayo ay tahay Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu diyaar u yahay inuu naftiisa u huro difaaca Dalka, Dadka iyo Diintaba, isagoona ugu baaqay warbaahinta inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay buun buuniyaan Dib-u-heshiisiinta.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    Di Jango` on 03 August, 2009 02:18:53
    Illaahey haku xafido, waxaad tahey Geesigii Ummadda Soomaaliyeed eey sugeeysey, Illaahey haku xafido. Iskana dhaaf waxyaabaha eey Warbaahinta eey qorayaan oo dhan ee waajibaadkaadii Muqadaska ahaay ee aad u qabaneeysey Shicbka Soomaaliyeed ee ka daaley Dagaal iyo Ammaan darro iyo nabadla`aanta weli ka jirta. Marka waajibaadkaagu ha ahaado mid sii socda Illaa eey shicbka Soomaaliyeed Nabad ka hesho iyo Horumar iyo iscafin iyaga ka dhexdhalato. Generaal Guul Allaah haku siiyo oo umadduna kuugu faanto Geesinimadaada. Guul Xoogga Dalka Soomaaliyeed
    jaabir on 03 August, 2009 06:52:14
    dhuumaaloow waxaan kuleeyahay ilaahaaga utowbad keen tani hakuu ahaato waana qaadasho dhaawacaan kuwaansi qaado ee rabigaaga utowbad keen wax aad gudaneysid lama arkee oo waajib ah eewaxaad yeeshaa intaad idaacadaha kahadasho una sheegtid umada soomaaliyeed iyo weliba mujaahidiinta una cudur daarato dambiga aad kagashay shacabka masaakiinta ah ee aad kuhogaamineysay madaafiicda suuqa bakaaraha hadii aad taasi yeeliweysidna ogow seefta mujaahiddnta iney kuu afeeysantahay mar labaad inaadan kafakan doonin inshaa allaah waxaana lagu marsiin doonaa meeshi ey mareen asxaabtaada cumar xashi iyo wixii lamid ah
    Caasha on 03 August, 2009 11:43:12
    Jaabir ma Goonadii iyo shukadii baad gedan weeysey ii sheeg bal, Qof dharka naagaha xiranaayo lama hadlo dadka ragga, mana tihid mujaahi ee waxaad tahey qoomu luud, e noo daay dharkeena dumarka leeyahay. ma ogi haddii lagu fuulo!!!!laakiin haddaba ragga hal sheekesanin koleeyba soomaali uma baahna qoomu-Luud
    jaabir on 04 August, 2009 12:10:29
    walaahi koley hadaad ahan laheeyd rag waxbey ahaan laheed laakiin waxaad noqotay ama magacaga ayaa ah magac gabar hada gabarna sidaan ognahay waa maangaab sida caruurta oo kale ah hadaan kucaayana adigaan kula mid noqonaayaa micnaha waan kuugu daysaday marka wax kaloon kudhoho ma,aqaano oo aan ka,ehyn ilaaheey haku soo hanuuniyo waan kaxishoonaa inaan caayo gabar ok
    Caasha on 04 August, 2009 02:22:14
    Kuleeyba idinkaa ayaa u baahan hanuun iyo in aad toowbadkeentaa, bal fiiriya waxaa idiinka faka waaye dadkii reer miyiga ahaa oo noloshoodii la ciirciireeyso ayaad xabsiyada Balcad ka buuxiseen, kuna qasabteen waxeeyna gadan karin, aa haddana ka furteen si xoog ah nimankoodii xalaasha ku qabey, ka dibna si qasab aad rabteen in aad ku naageesataan. Ma taasi ayaa ah Mujaahidnimo? ii sheeg bal adiga oo is dhahaayo diinta ayaan wax ka aqaanaa. Arintaasi waa mufsidnimo, Illaaheeyna ha idiin duleeyo kuligiinaba, haddaa Reer qabuurtii ayaa idiin ka fakawaayey, ma`ii sheegi kartaa ayad quraanka ka mid ah oo qoreeysa in qabuuraha la faago oo dadkii dhintey waqtiyo hor leh lasoo faago, bannaankana loo soo bixiyo? sheeg bal
    Al-Habaab waa mufsidiin weeyn oo sharwadayaal ah, adigana kuwaasi baad taageereeysaa miyaa.Cadaabtiina weey idiin sugeeysaa, Illaaheey ha`idiin jebiyo

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com