

Maamul cusub oo looga dhawaaqay degmada Buurhakab ee gobolka Bay.
Ururka Xizbul Islaam ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Buurhakaba ee gh\obolka Bay kadib markii shalay la badalay maamulkii hore ee halkaas ka jiray.
Mas'uuliyiin katirsan Ururka Xizbul Islaam oo gaaray degmada Buurhakaba ayaa kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay isku afgarteen in la badalo maamulkii hore islamarkaana la magacaabo maamul cusub.
Maamulka degmada Buurhabaka loo magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shiikh Maxamede Taajir, iyadoo xafiiska Arrimaha Bulshada loo magacabay Shiikh Maxamed Yaxye, xafiiska dhaqaalaha waxaa loo magacaabay Shiikh Daa'uud Maxamed halka taliyaha ciidanka loo magacaabay Shiikh Maxamed Xasan.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey magacaabista maamulka cusub oo uu ka dhex muuqdo mas'uul katirsan dadka deegaanka taas oo si weyn ay u soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan degmada Buurhakaba.
Maamulka cusub ee la magacaabay ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan ka qaban doonaan arrimaha bulshada iyo amaanka, iyagoona sheegay inay isbadal muuqda la imaan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee maamulkii hore ee la badalay ayaa xilka ku wareejiyey maamulka cusub ee ururka Xizbul Islaam u magacaabay degmada Buurhabaka oo kamid ah goobaha gacanta ugu jira Ururka Xizbul Islaam.
Comments (0 posted):
Post your comment