Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Hogaamiya mucaareadka dalka Ugandha oo ku baaqay in si dhaqso ah Somalia looga soo saaro ciidamada Ugandha.

    Hogaamiya mucaareadka dalka Ugandha oo ku baaqay in si dhaqso ah Somalia looga soo saaro ciidamada Ugandha.

    Font size: Enlarge font

    Mucaaradka dalka Ugandha ayaa ku baaqay in ciidamada Ugandha si dhaqsi ah laga soo saaro gudaha dalka Somalia kadib markii ay sheegeen in cidiamada ay weeraro joogta ah kala kulmayaan mucaaradka dagaalka kala horjeeda dowladda KMG ah.

    Hogaamiya mucaareadka dalka Ugandha Dr. Kissa Baseng ayaa warbaahinta u sheegay inay muhiim tahay in ciidamada Ugandha laga soo daad gureeyo gudaha dalka Somalia, isagoona sheegay inay u muuqdan nabad ay ciidamada Ugandha iyo kuwa Brundi ka dhaliyaan dalka Somalia.

    "Ii Ma muuqanayo wax horumar ah oo ciidamadu ay ka soo hoynayaan difaacidda dowladda KMG ah oo aan taageero ka heysan shacabka Soomaalida" ayuu yiri Dr. Kissa Baeng.

    Wuxuu ku baaqay inaan dalka Somalia loo dirin ciidamo cusub oo ka socda dalka Ugandha isagoona codsaday in dib loo soo celiyo kuwii hore oo uu sheegay in looga baahan yahay dalkooda si ay amaanka iyo xasiloonida uga qeyb qaataan.

    Si kastaba ha ahaatee dowladda Ugandha ayaa dhawaan sheegtay inay ciidamo dheeri ah u soo dirayso dalka Somalia si ay taageero u siiyaan dowladda KMG ah oo dagaallo kala kulmayso xoogagga kahorjeeda.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    Di Jango` on 03 August, 2009 02:23:19
    Waa beentaa waxaad qoreeyso cabsi darteeda ee naga daay beentaada waxashnimada ah iyo nabaddiidnimada ah.Koleeyba Daloolka futadaada qori AK-eeyga ayaaba kaaga jura oo Al-Habaab iyo Xisbul-Xasuuq kaaga hayaan. Maad iskaaga tegtid shaqada , koleeyba beentu waa xaaraan. Guul Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shicibkeeda.
    jaabir on 03 August, 2009 07:21:21
    wa r ninkani caaytamaayo iska dhaaf caayda mafiicnee caayda meel laguma qabsadee mideeda kale qofka raga ah macaytamo ee wuu dagaalamaa orod aad xamar oo kaqeyb gal dagaalka lana soo safo afrikaanta gaalada eh si hadhow hadii laguugu ag dilo dhinacooda oo aakhirana lagula soo kulmiyo ayaga iyo adiga oo isku saf ah in shaa,allaah
    goraye on 04 August, 2009 05:56:51
    Mr.jaabir ciilka somalida aad u qabto fara badanaa maxey kuu dhimeen?qoraladan afkaar ayaa leysku dhaafsadaa.waana ceeb in leysku af lagaadeeyo fikirka waxa adiga kula fiican ayaa qof la xun qasabna ma aha in in hal fikir la qaato.hadii aan hal fikir ku heshiineyno dhibkaan mudada dheer soo jiitamayay waa ka gudbi laheyn.ee rayiga ha leysku ixtiraamo iyada oo aan leysku xad gudbin.w.s.c.
    jaabir on 04 August, 2009 04:06:09
    kkkkkkk sxb qoraaye aniga qof meesha kuma caayinin magaray oo akhri qoraalkeyga marlabaad sifiian ee waxaan lahadlay qofkaan caaynaayo mujaahidiinta ayaga kula jira dagaal adag gaalada amison iyo asdiqadooda oo ayaga sheeganaya soomali nimo

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com