

Dad Soomaali ah oo looga shaliyey Falal Argagixiso oo ciidamada Booliska dalka Australia xirxireen.
Ciidamada Booliiska dalka Australia ayaa xirxiray 4-qof oo ay ku jiran dad Soomaali ah kuwaas oo looga shakiyey inay fulin rabeen weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaado saldhig ciidan gudaha dalka Australia.
Sarkaal u hadlay ciidamada Australia ayaa sheegay in dadka la xirxiray oo u kala dhashay dalalka Somalia iyo Lubnan looga shakiyey inay weeraro ismiidaamin ah ka fuliyaan saldhig weyn oo ciidamada Australia ku leeyihiin wadankaas.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ciidamada Boolisku ay xabsiga dhigeen dadkaas kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgallo balaaran oo lagu soo qabqabtay dadka laga shakiyey.
Wuxuu intaas ku daray in dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somalia ay xiriir la leeyihiin ururka Argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay inay doonayeen inay bartilmaameedsadaan saldhig muhiim ah oo ay leeyihiin ciidamada Australia.
Si kastaba ha ahaatee waxaa ciidamada Booliska Australia ay baaritaano xooggan ku hayaan dadkii ay soo qabqabteen ee looga shakiyey weerarada ismiidaaminta ah.
Comments (1 posted):
Post your comment