Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Kooxaha afduubka u heysta seddax shaqaale ajnabi ah oo dalbaday Madaxfurasho.

    Kooxaha afduubka u heysta seddax shaqaale ajnabi ah oo dalbaday Madaxfurasho.

    Font size: Enlarge font

    Kooxaha hubaysan ee afduubka u heysta shaqaalaha ajaanibka ah ee dhawaan laga soo qafaalay magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya ayaa dalbaday lacago madax furasho ah.

    Mid kamid ah kooxaha afduubka u heysta seddax shaqaale ajaanib ah oo laga soo afduubay magaalada Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay inay doonayaan lacago madax furasho ah si ay u sii daayan shaqaalaha ay heystaan.

    Wuxuu sheegay inay shaqaaluhu bad qabaan oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ay u geysteen, isagoona ugu baaqay hay'addii ay u shaqaynayeen inay la soo xiriirto.

    "Si aan u sii dayno seddax ajaanibka ah waxaan doonaynaa lacago madax furasho ah" ayuu yiri nin kamid ah kooxaha hubaysan ee heysta shaqaalaha ajaanibka ah oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

    Wuxuu dhanka kale diiday inuu sheego lacagta madax furashada ah oo ay rabaan inta ay gaariisan tahay, isagoona tilmaamay in waqtiyada soo socda ay soo sheegi doonaan.

    Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii dablay hubaysan oo Soomaali ah ay seddax shaqaale ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Mareykanka Zimbabwe iyo Bakistan ka soo afduubeen magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    4.00
    Vivvo Boondheere.com