

Dowladda Ethiopia oo Xabsi Daa'in ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah.
Maxkamadda sare ee dalka Ethiopia ayaa xukun xabsi daa'in ah ku riday muwaadin dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Somalia balse heysta dhalashada dalka Canada oo horay ay u xirtay dowladda Ethiopia.
Maxkamadda ayaa ku eedaysay muwaadinka Soomaaliga ah inuu galay seddax dambi oo kala ah inuu taageero siinayey xoogagga islaamiga ah ee ka dagaalama Somalia, inuu sidoo kale taageero siinayey jabhadda mucaaradka dagaalka kula jirta Ethiopia iyo inuu ahaa sarkaal katirsan jabhadaas.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyey Bashiir Makhtal ay ku cadaadeen islamarkaana ay ku xukuntay xabsi daa'in.
Muwaadinka Soomaaliga ah ee Bashiir Makhtal ayaa gaashaanka u daruuray eedaymaha ay maxkamaddu u soo jeedisay, waxaana uu sheegay inaysan waxba ka jirin dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey.
Qareenadii u doodayey Bashiir Makhtal ayaa maxkamadda ku eedeeyey inay si sharci darro ah u gaartay go'aanka ay ku xulkuntay Bashiir Makhtal, waxaana ay sheegeen inay maxkamaddu ku degdegtay xukunka.
Si kastaba ha ahaatee maxkamadeynta Bashiir Makhtal ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Ethiopia uu u xirnaa inka badan labo sano muwaadinka Soomaaliga ah ee Bashiir Makhtal.
Comments (1 posted):
Post your comment