

Qarax culus oo ciidamada dowladda lagula beegsaday Degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho.
Qarax waxyeelo sababay ayaa xalay ciidamo katirsan dowladda KMG ah waxaa lagula beegsaday qeybo kamid ah degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee sheedda laga hago ayaa waxaa ku dhintay hal askari iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar kale waxaana sidaas xaqiijiyey maamulka degmada Dharkaynlay.
Guddoomiyana degmada Dharkaynlay Macalin C/dulle ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in askari katirsan ciidanka dowladda uu ku geeriyooday qaraxa halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib rasaas furay lamana oga khasaaraha ay sababtay, waxaana sidoo kale ay isku faafiyeen goobaha ku dhow halka qaraxa lagula beegsaday.
Ma ahan markii ugu horaysay ee qarax lagula beegsado ciidamada dowladda KMG ah qeybo kamid ah degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho uu khasaare ka dhasho.
Comments (0 posted):
Post your comment