Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Madaxa Wacyi Galinta iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan oo Qarax Miino kabadbaaday.

    Madaxa Wacyi Galinta iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan oo Qarax Miino kabadbaaday.

    Font size: Enlarge font

    Mas'uuliyiinta katirsan maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ah ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday xilli uu ku sugnaa gudaha magaalad Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Macalin Aadan C/salaan oo ah madaxa wacyi galinta iyo arrimaha Bulshada maamulka dowladda KMG ah ee gobolka Hiiraan ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaarigii uu saarnaa gudaha magaalada Baledweyne.

    Wuxuu sheegay isagoo warbaahinta la hadlayey qaraxa kadib inuu ka badbaaday qaraxa balse ay ku dhaawacantay gabar yar oo maraysay meel ku dhow halka qaraxa lagula beegsaday.

    "Markii gaariga qaraxa lala beegsanayey waxaa ku xirnaa sameecado waaweyn oo ay ka shidnaayeen Qur'aan alle ayaana iga badbaadiyey" ayuu yiri Macalin Aadan C/salaan.

    Qaraxaan ayaan ku soo beegmaya xilli dhawaan qarax ismiidaamin ah oo kadhacay magaalada Baledweyne lagu dilay mas'uuliyiin uu kamid ahaa Cumar Xaashi Aadan wasiirkii hore ee Amaanka Qaranka dowladda KMG ah.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    dulmidiid 1 on 01 August, 2009 09:35:15
    Qaraxa Miinooyinka Dhulka lagu aaso oo ah mid ka mid ah Xeelado bedelka Alsheeydaan eey marwalka sheegaan waxaa looga bixi karaa ra'yigeyga in laba tallaabo gadaal loo qaado oo mecneheedu yahay Somalidu waxeey tiraahdaa:-
    Ninki labo disho ninbaa sheega lakiin kii hal nin dilo dukaa sheega.

    Marka waxaan qabaa in la soo qabqabto dhammaan reeraha degan agagaarka barta Miinada lagu aasay koleey iyo koleey haddii laga waayo kii duugay waxaa laga helaa mid arkaayay.
    Marka labadaas tallaabo oo naxriis daradaa gadaal loo qaado si ummadda nabadeeda loogu soo celiyo waxaan qabaa in laweyndoono ama yaraan doonto dhibkaas markaas ka bacdina laba talaabo horay loogu qaado.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com