Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Xadgudubyo booliska Greece u geysteen Dad Somali ah (Daawo sawirada)

    Xadgudubyo booliska Greece u geysteen Dad Somali ah (Daawo sawirada)

    Font size: Enlarge font

    9-kii bisha julay ayey aheyd markii ciidamada Booliska dalka Greece ay galeen xaafad ay deganaayeen Boqalaal Soomaaliyeed oo ka soo barakacay dalkooda kuwaasi oo nabadgelyo u soo raadsaday dalkaasi iyo dalalka kale ee Yurub, waxayna ciidamada Booliska ay ula dhaqmeen dadkaasi Soomaaliyeed si ka baxsan bini'aadanimada, waxayna ay sameeyeen ciidamadaasi in ay dadka qaarkood jirdil xun kula dhaqaaqeen sida ka muuqata sawiradan.

    Ku dhawaad 150 qof oo isugu jiray rag, haween iyo caruur ayey guryahooda ka soo saareen ciidamada Booliska Greece xili ay hurdayeen, waxayna ku kiciyeen dadka laad iyo ulal ay ku garaacayeen, iyagoo markaasi kadibna ku guray xabsiyo.

    Caradii ka dhalatay qaabka xun ee loola dhaqmay Soomaalida ayaa waxaa noqotay in dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo ay dhigaan Soomaalida ka badbaaday xabsiyada iyo Muwaadiniinta Greece kuwaasi oo mudo labo maalmood dhigayey banaanbaxyo xoogan oo lagu cambaareynayey Dowladda Greece qaabka ay ula dhaqanto Soomaalida qaxootiga.

    Haween iyo qaar ka tirsan dhalinyaradii ay ciidamadu qabteen ayaa qaarkood sidii jirdil loogu waday waxay noqdeen kuwo suuxay oo miir doorsoomay, iyadoo aysan jirin cid gargaar deg deg ah u fidisay, waxaana markii danbe gurmad u fidiyay dadkii Soomaaliyeed ee ka badbaaday xariga sida ay inoo sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Greece Ilyaas Xasan Cali oo dibadbaxayaasha Soomaalida iyo muwaadiniinta Greece la hadlayey ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay Soomaalida mar walba beegsadaan isla markaana aysan dhibaatadani midii ugu horeysay, wuxuuna tilmaamay in Jaaliyad ahaan ay ku guuleysteen in ay xabsiyada ka soo deeyeen in ka badan 100 qof wixii harsana laga soo bixin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Ilyaas ayaa caalamka gaar ahaan dalalka Yurub ee Soomaalida ka taga Greece gaara in aysan dib ugu soo celin dalka Greece oo uu ku sheegay in aan laga tixgelin qaxootinimada, isagoo intaa raaciyay in dhawaan Mas'uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha jaaliyadiisa kala hadli doono sidii loo hakin lahaa xadgudubyada loo geysto Soomaalida.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (7 posted):

    on 01 August, 2009 12:39:02
    giriiga waa dadka ugu xun aduunka xaga bani-aadam nimada waa xaasidiin dadkana umma naxaan.
    ahmed on 01 August, 2009 03:47:56
    waa waxiska caadiya laguna yaqaan giriiga qofka maraakiibta giriiga raaca marka mushaarkiisu soodhowyahay ayaa laga tuura markabka waxaan se layaabaa soomaalida kusii qulqulaysa giriig waxaan kula talin lahaa kuwa joogana haka tagaan kuwa usoo socdana haka jogan
    amir on 01 August, 2009 04:16:57
    greeca binadan nimada wuu ka baxay wuxuu arkay somali oo sida greega wax u dilaayo ka daran wax u dilaayo marka waxeey greegaa is dhaheen kuwaan waa somali dadkoodaba san iyo si ka daran ayeey u dilaan anaganeh an ku bar barano marka anaga ayaan is ku keenay oo dadkena ay naqdeen dad waxasha ah 21 sano maalinkasto uku yaraan 20 qof ayaa ku dhimanaayo somali oo dilaayo somali kale ee alow nawad noo keen kowdha dhibka wadaneh naga qawo si an dalkena ugu naqan la heen w/c
    ali on 01 August, 2009 08:07:38
    waryada dalkiina dhiista ninkasta dhulkiisa wanag ku leyahay ee aniiga waxaan qabaa in somalida wadankooda loo celiiyo oo idinka isku nxii wayay ee wad istahiishiin soomalia ha noolato.......
    Xiis on 01 August, 2009 08:35:06
    Yes, Odayaashii Seamanada ahaan jiray waxay odhan hireen Maraakiibta Greeceka ha la iska ilaaliyo, markaa Somalida ku sii qulqulaysaa waa somalida Koonfureed een wax sheeko ah ka maqal, Giriig looma dhowaado.
    dulmidiid 1 on 01 August, 2009 09:47:59
    Mexeey ku nuugtaa maxeeyse ka nuugtaa Gigiig waa dal sabool ah ooy u yimideen Dad eey dadkoodii soo barkiciyeen.

    Dhibka dadkaasi gaaray waxaa ka masuul ah Alsheeydaan iyo Haraadiga Hogaamiyo Kooxeedyada oo baday ineey Greece u cararaan.

    Waxeey la yaaban yihiin ummadaan Bad iyo Berriba hodanka ka ah oo dalkooda u soo qaxaayo.

    Dadka Somaliyeed oo Libaaxyo Adduunka ka ahaay aa iyagu Dooli iska dhigeen marka maxaa diidaaya in la arko Gabadh Somaliyeed oo wadooyinka Greega jiifta waa waxeey nabadeen kuwa waxmagaratada ah.
    C/llahi Cilmi daqare on 02 August, 2009 04:30:56
    Dhibaatada Soomaaliya haysata ee aan
    u jeedno gabdheheeni oo ilmaynayo waxaa
    u sabab ah SSDF,SNM, SPM, Iyo USC.
    Illaahay waxaan ka baryayaa isaga ayaa
    khaadir ku ah wax kasta ee inuuu nacalad
    ku deg-deg ah ku rido dadka dhibka ka
    wada Soomaaliya. Aamiin, Aamiin, Aamiin

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com