

Dablay hubaysan oo dil iyo dhac ugu geystay dad safar ah deegaanka Raage Ceelle ee obolka Sh/dhexe.
Maleeshiyo hubaysan ayaa dil iyo dhac ka geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Sh/hoose kadib markii ay tacshiirad ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah.
Wararka naga soo gaaraya deegaankaas ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ay tacshiirad ku fureen gaari xamuul ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho kaas oo kasoo ambabaxay qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe.
Maleeshiyada hubaysan ayaa kahor intaysan dhaca u geysan rakaabkii saarnaa gaariga waxa ay huwiyeen rasaas fara badan, waxaana taasi ay sababtay geerida hal qof oo la xaqijiiyey inuu ahaa wadihii gaariga.
Tacshiiradda kadib ayey maleeshiyaadka hubaysan dhac baahsan kula dhaqaaqeen rakaabkii saarnaa gaariga, iyagoona ka qaatay guud ahaan wixii ay wateen.
Si kastaba ha ahaatee falalka dilalka iyo dhaca isugu jira oo ay geysanayaan maleeshiyaadka hubaysan ayaa ku soo badanaya deegaanada ku yaala wadada xeebta ah.as
Comments (0 posted):
Post your comment