Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Faransiiska oo sheegay inuu wada xaajood la galayo kooxaha heysta saraakiisha Faransiiska.

    Faransiiska oo sheegay inuu wada xaajood la galayo kooxaha heysta saraakiisha Faransiiska.

    Font size: Enlarge font

    Dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inay wada hadallo la galayso kooxaha afduubka ku heysta saraakiisha Faransiiska ee dhawaan laga afduubay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

    La taliyaha madaxweynaha Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Faransiisku diyaar tahay wada xaajood ay la gasho kooxaha heysta saraakiisha Faransiiska, waxaana uu xusay inay doonayaan inay si toos ah ula hadlaan kooxaha afduubka ku heysta labada sarkaal.

    Wuxuu intaas ku daray inaysan dowladda Faransiiska soo furashada labada sarkaal u adeegsan doonin talaabo milatari, waxaana uu intaas ku daray inay jiraan dadaalo dheeri ah oo ay wado xukuumadda Paris.

    " Dowladda Faransiisku wada xaajood toos ah ayey la galaysa kooxaha heysta saraakiisha, marna ma adeegsan doonto awood milatari" ayuu yiri la taliyaha madaxweynaha Faransiiska.

    Labada sarkaal ee Faransiiska ayaa ku jira gacanta kooxo hubaysan maalintii 7-aad kadib markii laga afduubay hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku soo dageen markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    ali on 22 July, 2009 03:18:10
    Xoolo waaye al-shabaab iskameysan gontorolin nimka Faransiiska ah. boqolkiiba boqol waxaan huba rakaas okadoda meel kamidah in u ku jiro jiib ama alad shekayo meesha lakuhaysdo ama lageyay oo jogaan.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com