

JANAQOW ALLAA JIRE, MA JIRRI BAAD MAANTA MEGEN U TAHAY ?? (Faallo)
Waxaad ogtihiin in ciidanka aad wasiirka u tahay shariifna madaxweynaha u yahay ay shacabka dhacaan, kufsadaan, dilaan, cid kasta oo ay ka xoog roonyihiinna dullaystaan, raciyada waa la idin weydiin baad nugu wacdi jirteene, aaway raciyadii idinka la idin weydiinayey?
Waxa aad ogtihiin in goobaha aad sheegatiin in aad xukuntaan marka baabuurta rakaabku ku soo dhawdahay ay rakaabk argagax iyo cabsi ka muuqato oo ay bisinka boobaan iyaga oo leh ereyo ay ka mid yihiin:
BISMILLAHI – AR FAATAXADA ISUGU KAANNA DARA in ilaahey kuwaan na mootiyo, ayna yartahay inta ay badbaadaan, way dhici kartaa in aad is tiraahdaan waa laga badbadinayaa ee isku daya in aad si fiican u baartaan, telefoonno ku raadisaan ehelkiinna hoose ee aan iyagu nasiib u helin in ay shubka madaxtooyada ku dhuuntaan ama dibedaha u dhoofaan ee daafihii xamarcadde daadsan, weydiiya?
Subxaanallaah, haddii qolo aan la aqooni xabbad kaarabiin idinku soo tuurto, ma ajnebi aan dalka u dhalan oo waa cadow aad shalay na dhihi jirteen baad leedihiin BII-EM ku garaaca magaalada iyo maatida ku nool?
Ma illowdeen ilaahii weynaa ee maatidan abuurtay, ma illowdeen sakaraadkii xanuunka badnaa, ma illowdeen siraadkii iyo qiyaamihii la sugayey, ma adduunyo gebogebaa iyo cadow farax gelinti baad ku afar-afareysateen?
Shaki kuma jiro in aan miyirkiinnu joogin si kasta ha ku maqnaadee, anigu marna uma haysto haddii aadnaan markii hore munaafiqiin ahayn in aad waxa dhacaya 95% kala socotiin, waadna ogtihiin in qofka xil loo dhibaahi uu ka tegeyo caqligii iyo dareenkuu berigii hore lahaa?
Bal wejiga tirtirta, indhahana gacanta ku masaxa, bisinkana qabsada, daya halka aad taagantihiin, foolxumadeeda, is weydiiiya, 7 dii naarood xaggay idinka xigaan, 8 deeddii jannose xaggey idinka xigaan, hana illoobina oo ha fududaysanina in qof kasta oo dembi ku jiraahi uusan ogayn marka uu ku jiro ee qof og in uu ku suganyahay dembi lugu cadaabayo uusan sameeyeen?
Addoommo ilaahey xasuuqooda ma lugu gaaraa adduun iyo aakhiro diinta ku laabtee? xataa haddii sababtiinna ama marmarsiinyahiinna lugu xasuuqayo ma inaad sii fiirsataanaa mase haddii aadnaan joojin Karin in aad xilkaad sheeganaysiin isaga tagtaan oo aan magaciinna loogu ganban oo aan lugu gumaadin maatida?
Sow ma aragtaan maalin walba shaarubba weyntii iyo ma naxaankii qabqablaha ahaa oo saf idinku la jira, jaadka iyo khamradana idinku ag caba, idinkuna ag sinaysta, ma kuwaasaa shareeco islaam fulinaya, waanse u cudur daarayaa intooda badan allaha hnuuniyee oo diinta ma yaqaaniinn, wayna idinka cadaab yaraanayaan, inkastoo aysan naaru meel qabow lahayn, laakiin Janaqow iyo Shariifow cudurdaar ma lihidin … SUBXAANALLAAH.
Waxaad ogtihiin in addoon mu’min ah dhiiggiisu ka culusyahay adduunyadoo la rogo, haddaba haddii maalin walba boqollaal agoon iyo indhoole ah la idinku hor xasuuqayo oo kuwaad mas’uuliyaddooda qaaddeen ilaahey hortiis ay xasuuqayaan ma waxay idin la tahay in aan waxba idinka soo gaareyn, mise xisaabtii aakhiraad inkirteen ?
SUBXAANALLLAAH, aaway diintii, damiirkii, raxmaddii, dadnimadii, dareenkii, akhlaakhdii, derisnimadii, dhalashadii, adduunyadii, aakhiradii ………… ?
Qolada mucaaradka sheeganaysana waxan leeyahay waxaa xaqiiq ah in dhulka aad ka talisiinu nabad u badanyahay intii macquul ah, laakiin mawduucyada xad fulintu iyagoo xaq ah oo aan amarkii alle cidna lagala gorgortamayn haddana fiirsha dadku xukun alle weli ma aysan arag,
islamarkaana ficillada xadku waa xad dhaaf, wixii xad dhaaf ahna nolosha ayey ka mid noqdaan oo lama qariibsado, marka waxay la mid noqonaysaa aniga oo qofna gacan ka gooya, qofna lacag ugu dara illeen saacad walba ayey dhacayaane, sidaas darteed idin ma lihi mana idin dhihi doono joojiya xadka alle, laakiin UDCU ILAA SABIILI RABBIKA BIL XIKMA, oo ka caqli qaata Ruuxii rasuulka ku lahaa waan sinaystey ee uu is illowsiinayey, maantey ka sii mudantahay in la is illowsiiyo wax badan,
Midda kale dadkiinna u naxariista oo yareeya khasaaraha soo gaaraya haddii ay dhammaadaan shicibku joogi maysaan idinkuna, oo daya waxa aad tuuraysaan cidda ay wax u geysanaaan, iyo sidoo kale waxa lugu soo jawaabo khasaarahooda, xagguu idinka maray 9 kii qof ee dartood jihaad xaq ahaa ilaahey u joojiyey?
DHEGTII WAANO QAADEEYSA BAA WAANO QAADATA.
Haddaad maqli weysaan maalin kalaad maqleysiin ee ajasha sugta.
Wabillaahi tawfiiq
Ali Jeyte.
Comments (11 posted):
(Rag iska celi & rabi ka baq meel islama galaan) walaalkeeyoow mesha waxa ka socdo ana mesha xukuma ee ka wareeg hadii kale magalada xabada ka joogsamee. Ninkaan aniga isoo racina waa murtid & waa caddowga illaaheey.
Waxadna ogtahay manta hadeey mesha la wareegaan ineysan ayagana calfeynin.
Aaway nimankii aqoonta lahaa iyo waxgaradkii wadaka wax ku bartay ayagaa wada laayay qaarna qaxiyay kii joogana ma hadli karyo.
Qayraan kuu dhaafay,
Masoo qorin khudbaddi qiimaha laheyd ee uu Janaqoow(Allaha xafidee)ka jeediyay stockholm laakiin qaraal barad Qabiileyste ah warkiiseey noo soo qoreen.
sorry Boondheere Shanta geedaad naga ceebeyseen.
wabilaahi towfiiq.
ALAAH MAHAD LEH KII RUMEEYAA RASAMAAL DHAB AH HELAY.
waxaan la yaabay shaqsigaan qoray qoraalkaan. JANAQOW shalay ragii wadanka u halgamay buu kujiray. Raga Bililiqada ka wadan Xamar waa la ogyahay kumana uu jiro. Nin kastaa og, Raga uga waa wayn oo uu Shariif ka baqaayo. Intaa Dhabta taaban la hayd inaad maskiin kaan korka ka saartaan ma ahayn. Cabdi Qaydiid iyo Raga uu wato oo marna Hopitalada umadii soo dhaawacmatay laga boobaayo Daawada, marna Mobilkowdii laga boobaayo waa la ogyahay. Marka Dhabtu waxay imaan tan oo kaliya. Shariif haduu isyiraahdo Dowlad qabiil ku salaysan baan Dhisayaa oon Habar gidir ku sa sabayaa Cabdiqaydiid iyo indha Cade waa qasaaro tii uugu darnayd. Xassan Awaysna waan iska fagayn oo dhihi waan kula hadli laakin wax kuuma ogali. Talo halkaas bay ka qaldan tay . Waana Tuu cabdulaahi Dhisay oo yiri Tala Habar Gidir Sacad bay ka go daa, Sacad goormaa u tanbaysay , Caydiid markuu dhintaa u danbaysay.
Runtii qabyaalad igama ahan laakin runta lagama gabado. Ragaas magac qabiilna ku soo galay anaan matali karin iska daa Somaliyee xataa qabiilkoda Danbina galay Dowlada ha laga saaro.
Shariif iyo Ina Sharmarke Taladu waa inaad mooryaan qoryahay ka dhigtaan intiidna mucaarad la hishiin. Sababtoo ah mucaaradku waxay dhihi, Bal eega meelaha ay ka taliyaan waa, Dhac, Boob, iyo Kufsi. Waana run.
Marka horta ilaa Sargaal sare ilaaa heer Askari bal horta halagu noqdo oo ha la baaro.
Tusaale, Ha la aas aaso Dept hoostimaado Justise Dept oo shuqul ka lahayn President or the Prime minister. Baartana dhibakaan oo kale.
aad ayaan ula dhacay sida cali jeyte xaqiqda uga hadlay wax walbaana waa sidaad u dhigtay sxb horay o soco ilmaha qabiilka madax maray warkooda dheg ha u dhigin janaqoow iyo waxa la midka ah maa in la sheegaa shalay isagaa lahaa dadka shuhadada ayeey dhiigooda gataan maantana isagaa debadaha la wareegaya sidoo inta hartay u iibsan lahaa koxda Sharif sheegid maba lahan waa daneystayaal calooshooda ka fakara danna aan ka lahayn Diin iyo Dad Dalna haba sheegin Illaah ha hanuuniyo hadusan u qorneyna Allow dhaqso na dhaafi oo kadaba gey walaalahood xabashi koleey hada waxba ma dhaamaane
Post your comment