Boondheere: Sosca oo soo gabagabeeysay cayaarihii kubada cagta 2008 iyo Cantanial Park toronto Canada, (Daawo Sawirada)
Sosca oo soo gabagabeeysay cayaarihii kubada cagta 2008 iyo Cantanial Park
toronto Canada, (Daawo Sawirada)
================================================================================
boondheere2009 on 13 July, 2008 09:16:00
Sosca oo soo gaba gabeeysay Tartankii ciyaaraha kubada cagta ee soomaliyeed oo
lagu qabtay dalka Canada, Toronto 2008
kadib markii aay isugu soo baxeen 4 koox oo kala ah Atlanta, Wemplay uk,
Cardif iyo Zimba. kadib markii aay
isugu dhaceen sitan Atlanta Vs Wemplay 1-4. Cardif Vs Zimba 2-0. waxaa final
isugu soo baxay labada koox ee
lagu magacaabo Cardif iyo Wemplay oo shalay cayaar aad iyo aad u wanaagsan ku
soo bandhigay fagaaraha garoonka
weeyn ee lagu magacaabo Centanial Park Toronto canada ayaa cayartii qaybteeda
hore ku bdhamaatay eber iyo eber
kadib markii laysagu soo laabtay qeeybtii labaat ayaa cayaartooyga kooxda
Cardif ku hubsaday labo gool shabaqa
kooxda wemplay.. waxaa aay cayaartii ku dhamaatay 2 iyo 0 oo halkaasi guusha
ku raacday kooxda Cardif.
ka Daawo Sawirada Halkaan
Waxaa xusid mudan dhamaan shacabkii ka soo qeeyb galay cayaartaasi iyo waliba
Cayaartooydii hore ee somalia
Qaas ahaan Oday Tuke, Buruno,Bashiir A. Daahir, Macalin Qaliifa iyo qaarkaloo
badan... waxaa kaloo xusid mudan dhamaan
Qaran express, Avis Rent car, oo ayagana kaalin weeyn halkaasi ka qaatay. Wad
mahadsan tihiin waxaa sidoo kale xusid mudan
dhamaan miidiyaha halkaasi kasoo qaaybgalay qaas ahaan Ahmadeey oo ah maamulaha
Hiiraan.com, Aden maamulha Qaranimo.com
Anwar Taabit Maamulaha Boondheere.com iyo waliba Jibril mualim maamulaha
maqaal.com waad mahadsan tihiin.....