Boondheere: Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa duqeyntii Xalane,iyo goobo dad rayid ah oo laga soo duqeeyay Madaxtooyada. Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa duqeyntii Xalane,iyo goobo dad rayid ah oo laga soo duqeeyay Madaxtooyada. ================================================================================ boondheere2009 on 13 July, 2008 08:06:00 Illaa 7 madfac oo kamid ahaa 10 madfac oo lagu tuuray Xerada Xalane ee Ciidamda Uganda ayaa halkaasi ku habsaday halka 3-da kalena ay dhanka Badda ee dhabarka danbe ee xeradaasi ay u gudbeen sida ay sheegayaan wararka soo baxaya. Galabta qorrax dhacii ayay sheegteen xoogaga Al Shabaab in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen xerada dugsigii hore ee farsamada Xalane ee degmada Hodon halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda. Lama sheegi karaayo hadii halkaasi khasaare uu kaso gaaray ciidamada Uganda laakin waqtiga weerarka dhacay waxaa uu ahaa xiliga inta badan ay ciidamadaasi dhufeysyada isku badalaan oo ay xeradaasi dhaq dhaqaaq xoogan ka sameeyaan. Dhinaca kale xaafadaha Bermuuda,Taleex iyo goobo kale oo ka kala tirsan degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ayay ku habsadeen madaafiic loo badinayo in ay kasoo dhacayeen dhanka Madaxtooyada Villa Somaliya,kuwaasi oo aan wali la heyn khasaare ay geysteen. Xiriiro aanu la sameynay dadka deegaanka Taleex ayay noogu sheegeen in illaa 4 madfac agagaarahooda ay kusoo dhaceen laakin xilliga oo habeen aheyd aawadeed ma suuragalin in la ogaado waxyeeladii ay geysteen.