Boondheere: Diyaarad galabta Magaalada Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo Ciidamo Ethiopian iyo kuwo soomaali, kadib duqeyntii xalay. Diyaarad galabta Magaalada Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo Ciidamo Ethiopian iyo kuwo soomaali, kadib duqeyntii xalay. ================================================================================ Qumane Jey on 07 July, 2008 08:00:00 Warar xog ogaal ah oo laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaas ah oo ah kuwa Milateriga ay galabta garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay Duqeyntii xalay loo geystay magaaladaas. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 dhaawacyo isugu jira soomaali iyo Ethiopian oo dhaawacyadooda ahaa mid halis ah laga qaaday Magaalada, iyadoona intii la qaadayay hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii magaalada. Xoogaga Alshabaab ayaa xalay Duqeyn culus u geystay Goobo ay bartilmaameedsadeen Gudaha Magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay in ilaa 5 goobood ay weerareen markii ay gudaha usoo galeen saqdii dhexe ee xalay. Dhimashada iyo dhaawacyada ayaa ahaa kuwo keenay madaafiicda oo xilli aysan fileyn lagu garaacay teendhooyin ay ku jireen Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Dowladda oo codsaday inaan magacooda la sheegay. Inta la og yahay 12 askari oo kuwa Dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada Baydhabo ee daacada u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ku dhintay weerarkaas, halka tiro askar Ethiopian oo aan tiradooda la heyn ay iyana ku dhinteen. Diyaarada galabta ka qaaday Meydadka iyo dhaawacyada ayaa aheyd diyaarad saanad milateri u keentay Ciidamada Ethiopianka oo xarun weyn ku leh magaalada Baydhabo.