Boondheere: Suldaanka Beesha shiiqaal oo Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay Xasuuq ka Gaysteen Gobalada dhexe ee Dalka. Suldaanka Beesha shiiqaal oo Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay Xasuuq ka Gaysteen Gobalada dhexe ee Dalka. ================================================================================ boondheere2009 on 01 July, 2008 07:46:00 Suldaan Maxamed Suldaan Muuse ayaa maanta Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay barakicin ka gaysteen Gobalka Galgaduud iyo Hiiraan, isagoo sheegay inuu ka xun yahay. Suldaanka oo maanta lahadlayay Soomaalinews ayaa xusay in Ciidamada Itoobiya ay sixun u duqeeyeen Gobalada dhexe gaar ahaan Dagmada matabaan iyo Guri-Ceel, halkaas oo ay ka gaysteen dhibaato xoogan oo soo gaartay dadka halkaas ku dhacay. Sidoo kale Suldaanka ayaa Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay doonayaan inay meesha ka saaraan heshiiskii dhawaan lagu gaaray Jabuuti,kaasoo ay suura galtahay inuu dhaqan galo. Suldaanka ayaa sheegay in xiligan oo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan xaalad adag oo ay keeneen Colaada iyo dagalada mudo ay ku jiraan ayaa ku baaqay in dhibaatada laga joojiyo, isagoo itoobiyaanka ku tilmaamay kuwa aan u naxayn shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ugu baaqay Dowlada KMG ah inay sii dayso dadka ay xabsiyada ka qab qabanayso, kuwaas oo aan lahayn sababo loo soo qabtay, islamarkaana aan lahor keenin Maxkamada.