Home | News | Afhayeenka Beelaha Hawiye oo sheegay inay meel fiican marayaan kulamo ay la leeyihiin Al-shabaab.

Afhayeenka Beelaha Hawiye oo sheegay inay meel fiican marayaan kulamo ay la leeyihiin Al-shabaab.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay inay meel fiican u marayso wada hadallo ay la leeyihiin urur diimeedka Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay kulamo dhowr ah wada qaateen madaxda ururkaasi, wax badanna ay isku afgarteen, wax badanna ay u dhiman yihiin.

Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu sheegay in maadaama ay yihiin dad Muslim ah oo walaalo ah oo wada dhashay ay wax walba ka heshiin karaan, wuxuuna intaasi ku daray in kulamadaasi ay meesha ka saareen mad-madowgii soo kala dhex galay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye iyo Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka golaya odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in arrintaasi uu ogaysiinayo dhammaan inta ay quseyso iyo inta ay saameynta ku yeelatay, wuxuuna intaasi ku daray in bog cusub uu haatan u furmay golaya odayaasha dhaqanka iyo MIdnimada beelaha Hawiye iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo ka hadlayay hanjabaad la sheegay inay nabadoonka u gaysteen xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa meesha ka saaray in ururkooda ay hanjabaad u gaysteen nabadoonkaasi, isagoo sheegay in Axmed Diiriye uu awow u yahay dhammaan dhalinyarada Al-shabaab, dhibaatooyin fara badanna loogu gaystay taageerada dhinaca afka ah ee u fidin jiray kooxaha wax iska caabinta.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0