Home | News | Dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Wardhiigley iyo Hawlwadaag.

Dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Wardhiigley iyo Hawlwadaag.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Iska hor imaad culus oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley gaar ahaan waddooyinka gala xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Iska hor imaadkan ayaa billowday kaddib markii dagaal yahannada Al-shabaab ay weerarro toos ah iyo kuwo loo adeegsaday hoobiyayaal ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaana dagaalladaasi oo soconayay muddo ku dhowaah hal saac ah ay ka kala dhaceen waddooyinka gala madaxtooyada sida kan Florence, waddada Geed jacayl, waddada Aan cadde iyo Sayidka.

Intii uu iska hor imaadka socday ayaa waxaa tiro hoobiyayaal ah lagu tuuray xarunta madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo sidoo kale madaafiic jawaab ahna ay ka soo dhacayeen xarunta madaxtooyada, kuwaasoo ku dhacayay meelo ka fog goobaha ay dagaalladu ka dhacayeen, lamana xaqiijinin qasaare madaafiicdaasi ka soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka rayid ah intaba.

Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa sheegtay Dagaal-yahanada Al-shabaab oo saraakiishooda qaar ka mid ah ay sheegeen inay madaafiicda ay la beegsadeen xarunta madaxtooyada ay gudaha u galeen, qasare xoogganna ay ka soo gaareen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federlka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa saakay deggan goobihii ay dagaalladu ka dhaceen, iyadoo dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u shaqeynayaan gaar ahaan waddada Wadnaha oo saakay ay si habsami leh u isticmaalayaan gaadiidka BL-ka ah.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0