Ciidamada AMISOM oo goordhow qarax xooggan lagula beegsaday degmada Xamar Jajab.
War goordhow aan ka helnay xaafadda Kalluunka ee degmada Xamar Jajab ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday ciidamo katirsan AMISOM oo marayey halkaas.
Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada AMISOM.
Lama sheegin wax rasaas ah oo ay fureen ciidamada AMISOM markii qaraxa lala beegsaday sida ay dadka deegaanku ku warameen.
Xaaladda ayaa iminka deggan, waxaana wararku ay intaas raacinayaan in ciidamada AMISOM ay goobta isaga tageen muddo yar kadib.
Rate this article




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment