Maxkamadaha Islaamiga ah oo mamnuucay hawlo dhul bixin ah oo ka socday magaalada Jowhar.
Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxa ay amar ay soo saareen gebi ahaanba ku joojiyeen dhammaah hawlihii dhul bixinta ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka MIdowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee gobollada HIiraan, Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug Sheekh Abuukar Xasan CAli ayaa sheegay aan la bixin karin dhul aan fasax oggolaansho ka haysanin Midowga Maxkamadaha iyo dhul loo samaystay dokumenti been abuur ah.
Sheekh Abuukar Xasan Cali wuxuu sheegay in amarkan uu ka soo baxay madaxda sar-sare ee midowga Maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed kaddib markii ay soo baxeen cabashooyin la xiriira dhul dan guud ah oo bixintiisa iyo cabirkiisa laga bilaabay Gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciddii lagu arko iyadoo faraha kula jirto arrimahaasi laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Amarkan ka soo baxay golaha sare ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa yimid kaddidb markii Maamulka Maxkamadaha ee gobolka Sh/dhexe uu bilaabay inuu degmada ka cabiro dhul dan guud ah iyadoo dad kalena ay diideen iyo sidoo kale dhul deegaan ah laga bixiyay Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar iyo Suuqa Hanti wadaag oo la sheegay in dad loo cabiray, cabashana ay ka muujiyeen dadkii horay u degganaa.




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment