Home | News | Madaafiic lagu garaacayo warshadda Baastada iyo Xeyla-bariise iyo ciidamada Itoobiya oo bixinaya madaafici jawaab ah.

Madaafiic lagu garaacayo warshadda Baastada iyo Xeyla-bariise iyo ciidamada Itoobiya oo bixinaya madaafici jawaab ah.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

War goordhow naga soo gaaray degmada Hurwaa ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu duqeeyey xarumaha warshadda Baastada iyo Xeyla Bariise oo ay fariisimo ciidan ku leeyihiin ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamada dowladda KMG ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiic fara badan ay ku hoobteen xarumahaas kuwaas oo ay soo ridayaan xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya.

Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay bixinayaan jawaab madaafiic ah kuwaas oo ay ku ridayaan deegaanada ay ku dhaqan yihiin dadka rayidka ah sida ay wararka nagu soo gaarayaan.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda, waxaana weli la maqlayaa daryanka madaafiic jawaab ah oo ay ciidamada Itoobiya ku duqeynayaan deegaanada ay dadka shacabka ah ku dhaqan yihiin.

Wixii ka soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha'alaah.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0