Markab Gariiga laga leeyahay oo lagu afduubtay xeebaha Somalia.
Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay afduub u geysteen markab laga leeyahay dalka Giriiga,kaas oo waday qalab kiimiko ah, isla mar ahaantaana ka yimid xeebaha bari ee Asia.
Markabkaan ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtay xeebaha gacanka Cadmeed,waxaana afduubtay burcad badeed Soomaali ah oo aad u hubeysan, kuwaas oo mar qudha hareeyay markabka oo la sheegay in uu ka babanayay calanka wadanka Giriiga.
Mas'uul u hadlay Hay'adda badmaaxiinta dowliga oo lagu magacaabo Noel Choong ayaa sheegay in kooxo burcad badeed Soomaali ah oo aad u hubeysan ay afduub u geysteen markab laga leeyahay dalka Giriiga, kaas oo siday maadooyin Kiimiko ah.
Si kastaba ha ahaatee markabkaan la afduubtay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalinimadii shalay burcad badeed Soomaali ah ay afduub u geysteen markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah, kaas oo ay ka afduubteen duleedka dakadda magaalada Boosaaso.




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment