Ciidamo kasocda dalka Brundi oo goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray.
Ciidamo kasocda dalka Brundi ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 400-askari ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo horey dalka Brundi uga joogay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo imaanshaha ciidamada Brundi, hase ahaatee wuxuu sheegay inay dib ka soo saari doonaan war bixinno la xiriira imaanshaha ciidamadaan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha dib kala soco wararkeena dambe.
Rate this article




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment