Markab ku xiran dekedda Muqdisho oo qarka u saaran inuu quuso iyo gurmad loo fidinayo.
Markab ku xiran Dekeda magaalada Muqdisho oo qarka u saaran inuu quuso, kadib markii cilad ay la soo gudboonaatay.
Markab oo wada shixnad ayaa maalinimadii shalay ku soo xirtay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho waxa uuna qarka u saaran inuu gebi ahaanba quuso, ka dib markii sida la sheegay ay la soo gudboonaatay cilad xaga mashiinada Markabka ah.
Wararka haatan laga helayo Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay socdaan howlo loogu gurmayo Markabka, kaasi oo la doonayo in lagu bad baadiyo, iyadoona Markabka qeybaha dambe ay ka soo galeen biyo aad u fara badan.
Markabkan ayaa wuxuu sidaa Gawaari iyo Shixnad Shamiinto ah oo aad u fara badan, waxaana soconaya howlo looga dajinayo, taasi oo ay Hormuud ka yihiin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada AMISOM ee nadab ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya oo ku dadaalaya sidii aasan u quusi lahayn Markabkaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Qeybdiid ayaa saxaafada u sheegay in Ciidamada Booliska ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u bad baadin lahaayeen Markabkaasi, waxaana uu sheegay in Dekedda ay isugu geeyeen agabyo kala duwan, taasi oo shixnada saaran Markabka lagaga dajinayo.
Waxaa la arkayay wiishah fara badan oo la isugu geeyay Markabka, kaasi oo ay ku jiraan Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo lagu jiidayo Markabka, waxaana la isku dayayaa sidii Markabka looga daad gureyn lahaa shixdanaha uu sido.
Markabka ayaa intii uu ku soo jeeday Dekeda Muqdisho waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo lagu macneeyay dhinaca Matoorka, waxaana markabka uu qeybta hoose uu yahay mid duleela, taasi oo keentay in biyuhu ay gudaha usoo galaan, dabadeedna uu qarka u saarmo inuuquuso.
Haddaba dadka reer Muqdisho ayaa ayaa su’aalo iska weydiinaya bal haddii uu quuso qasaaruhu intuu la ekaan doonaa? Balse wixii ku soo kordha wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa Insha-allaah.




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment