Home | News | Baaq Ka Soo Baxay Uurka Saxafiyiinta Xorta ah ee GIJA

Baaq Ka Soo Baxay Uurka Saxafiyiinta Xorta ah ee GIJA

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Waxaa maanta shirjaraa'id ku qabtay magaalada Baardheere Ururka Suxufiyiinta xorta ah ee Gedo ee afka qalaad loo yaqaan Gedo Independent Journalist Association xili suxufiyiinta Gobolka Gedo ay soo wajaheen caqabado farabadan.

Shirkaas Jaraa'id ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo katirsan qeybaha bulshada rayidka iyo warayayaasha ka howlgala gobolka oo tiradooda ay kor u dhaafayso ilaa 20 suxufi, waxaana ay dhamaantood ay u muuqanayeen kuwo midaysan, kuna midoobay afkaaraha kale duwan oo ay u soo gudbiyaan walaalahooda.

Mar uu ka hadlay goobta Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Xorta ah ee Gedo Cali Cabdi Cilmi ayaa waxaa uu sheegay inshirkaasi jaraa'id ay qabteen kaddib markii ay la kulmeen caqabado iyo hanjabaadyo ku aadan howlmaalmeedkooda.waxaana uu tilmaamay in suxufiyiinta ay cabsidaasi la soo daristay darteed ay waayeen illo wareedyo ay wararka ka soo xigtaan.

Inkastoo uusan Guddoomiyuhu carab baabin cid gooni ah oo ka dambaysa caqabadahaasi ayaa waxa uu haddana farta ku fiiqay in arrimahaasi ay yimaadeen kaddib markii ay sare u kaceen abaabuladda ciidan ee kooxo siyaasad ahaan isdiidan ee ka jira waddan Soomaaliya.

Ugu dambayn baaq ay halkaasi ka soo sareen Ururka Suxufiyiinta Xorta Ah ee Gedo (GIJA) ayay baaq nabadeed u soo jeediyeen dhinacyada isku haya siyaasadaha waddanka soomaaliya,iyaga oo ugu baaqay in ay shacabkooda u turaan si loo helo hanaan midnimo qaran.waxaana Ururku uu ka codsay soomaalida iyo dhinacyada dirirtu ay ka dhaxayso inay bari-istaagaan, kalsoonina u muujiyaan walaalahooda suxufiyiinta ah oo doortay in ay wararka ka soo tabiyaan dal burburay oo ah sida Soomaaliya.

Hanjabaadyo,Dilal Iyo Caqabado shaqo ayaa la soo daristay halkii suxufi ee kamid ah 3- suxufi oo maanta ku dhaqan wadanka Soomaaliya .waxaana ay taasi soomaaliya ka dhigtay waddanka ugu dilalka iyo halista badan ee suxufiyiinta caalamka oo dhan.

Maxamed Gaarane Aadan
gaarane68@hotmail.com
Baardheere,GEDO

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0