Iska horimaad xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Cali-kamiin ee degmada Wardhiigley.
Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ayaa saaka waaberigii waxa uu ka dhacay deegaanka Cali-kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid aad u kulul ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadooda kala duwan, waxaana daryanka hubka ay isweydaarsanayeen si weyn looga maqlayey qeybo badan oo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Si cad looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay, hase ahaatee xoogagga Al-shabaab oo iyagu weerarka qaaday ayaa sheegtay inay dileen 4-kamid ah ciidamada Itoobiya ayna dhaawecee 2-kale.
Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab si cad loma hayo khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay ku waramayaan inuu jiro khasaare kala garay labada dhinac.
Qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa darawal gaari ayaa ku dhaawacmay tacshiirad ay ciidamo Itoobiyaan ah soo raaciyeen wadada 30-ka gaar ahaan isgoyska Baar Ubax, waxaana la sheegay in ninka dhaawacmay uu ku sugnaa isgoyska Baar Ubax.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka ay saaka xoogagga Al-shabaab ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Cali-kamiin ayaa ahaa mid uusan khasaare xooggan ka soo gaarin dadka shacabka ah sababo la xiriira goobaha uu dagaalka ka dhacay oo ay ku yar yihiin dadka shacabka ah.




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment