Nin Toorey ku hubeysnaa oo nin kale ku dilay xaafadda Siinaay ee degmada Wardhiigley.
Wiil dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Toorey ayaa dilay wiil kale oo ay saaxiibo ahaayeen kaas oo la sheegay inuu dhexmaray muran la xiriira lacago ay kala qaateen.
Falka dilka ah oo ka dhacay deegaanka Siinaay ee degmada Wardhiigley ayaa dadka deegaanku ay sheegeen inuu salka ku hayey khilafaad xagga lacagaha oo dhexmaray wiilka dilka geystay iyo kan la dilay.
Wiilka dilka geystay iyo kan la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada xoola ku qala suuqa Siinaay, waxaana dhaawac markii hore soo gaaray uu ugu dhintay isbitaalka Keydsaneyd ee duleedka waqooyiga magaalada Muqdsho.
Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaanan aheyn midkii ugu horeeyey ee ka dhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana inta badan magaalada Muqdisho ka dhaca dilal ay isu geystaan dhalinyaro saaxiibo ah oo uu dhexmaro muran.




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment