Qaramada Midoobay oo shirkado laga leeyahay Yurub ku eedeyey inay sunta Nuclear-ka ku daadiyaan xeebaha Somalia.
Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay shirkado laga leeyahay dalal katirsan Yurub inay ka dambeeyaan haraadiga Nuclear-ka ee lagu soo daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ninka la yiraahdo Axmed Ould Abdalla ayaa sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya in hay'ado laga leeyahay dalalka katirsan Yurub ay haraadiga Nuclear-ka ku daadiyaan xeebaha dalka Soomaaliya.
Isagoo la hadlayey TV-ga Al-Jazeera qeybta afka Ingiriiska ku baxda ayuu sheegay wakiilka gaarka ah inay sii kordhayaan shirkadaha laga leeyahay dalalka Yurub ee sunta haraadiga ah ku daadinaya xeebaha dalka Soomaaliya.
"Wixii ka dambeeyey 24-tii waxaa sii kordhay sunta Nuclear-ka ah ee lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya" ayuu yiri Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmed Oulad Abdalla.
Dhowr jeer oo hore ayey Qaramada Midoobay ku eedeyey dalal katirsan Yurub inay sunta haraadiga ku daadiyaan xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay heyso cadeymo arrintaas la xiriira.
Dalka Soomaaliya ayaan tan iyo 1991-dii wixii ka dambeeyey aan laheyn wax dowlad ah iyo nidaam toos ah oo ilaaliya amaanka xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in xeebaha dalka Soomaaliya ay noqdaan kuwa lagu daadiyo sunta haraadiga Nuclear-ka.




del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment