Home | News | Burcad badeed Soomaali ah oo xeebta dekadda Boosaaso ka afduubtay dooni u rarneyd ganacsato Soomaali ah.

Burcad badeed Soomaali ah oo xeebta dekadda Boosaaso ka afduubtay dooni u rarneyd ganacsato Soomaali ah.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Dooni u rarneyd ganacsato Soomaali ah ayey kooxo burcad badeed ah waxa ay ka afduubteen meel qiyaastii 120-Km u jirta dekadda magaalada Boosaaso halkaas oo la sheegay inay doontu ku soo xiran laheyd.

Doonida oo lagu magacaabo Waa'il ayaa ka diiwaan gashan dalka Panama iyadoo siday Shamiito sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cali Cabdi Awaare.

Lama yaqaano halka ay kooxaha burcad badeedda ah ula dhaqaaqeen doonta ay ka afduubteen duleedka dekadda magaalada Boosaaso.

Weli wax war ah kama soo bixin ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u rarneyd doonida siday Shamiitada ee ku soo xiran laheyd dekadda magaalada Boosaaso.

Afduubka doonidaan ayaa ku soo beegmeysa xilli kooxaha burcad badeedda ah ay shaaciyeen inaaney dooneyn inay afduubtaan maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga ee u kireysan ganacsatada Soomaaliyeed.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0